Ciidanka Dabdamiska Oo Badbaadiyey Laba Carruur Mataan ah

0
Saturday February 28, 2026 - 14:52:50 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dabdamiska Oo Badbaadiyey Laba Carruur Mataan ah

    Ama dhaawac iyo dhimasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ama dhaawac iyo dhimasho



Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland ee xarunta Maxamuud Haybe ayaa si guul leh uga soo samatabixiyay laba carruur mataano ah oo ku xannibmay guri ku yaalla degmadaasi.

 

Ciidanka Dabdamiska ayaa adeegsaday xirfad iyo qalab samatabixin oo casri ah, iyaga oo si badbaado leh guriga uga soo saaray carruurta, kuwaas oo halis ku jiray.

 

Mas’uuliyiinta Dabdamiska ayaa sheegay in waayadan dambe ay soo badanayaan carruurta lagu xidho guryaha dushooda ama iyagu isugu soo xidha, taas oo keeni karta khataro waaweyn sida:

 

Dab ka kaca guriga

 

Neef-qabatin

 

Ama dhaawac iyo dhimasho

 

Ciidanka Dabdamiska ayaa ugu baaqay waalidiinta inay si gaar ah uga digtoonaadaan carruurta lagu xidho guryaha, maadaama ay halis weyn ku jirto badbaadadooda.

 

Haddii aad la kulanto musiibo dab ama xaalad degdeg ah, la xidhiidh lambarka gurmadka degdegga ah ee Ciidanka Dabdamiska Somaliland: 990

(shabakadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco).


Loading...
Loading...