Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe: E-Visa Soomaaliya Waa "Garaa'id Lagu Qabanayo Somaliland"
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Xamse Khayre ayaa sheegay in nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya uu yahay qorshe lagu bartilmaameedsanayo shacabka Somaliland, gaar ahaan aqoonyahannada, waxgaradka iyo madaxda dalka.
Xamse Khayre ayaa hadalkan ka jeediyey kulan lagu qabtay Hargeysa oo lagu xusay ALLE ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable, oo laba sano ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu ku dooday in nidaamka E-Visa-ha uu la mid yahay "garaaid” lagu xakameynayo shacabka Somaliland, isagoo yidhi:
"Waxaad xasuusataan Cabdinaasir garaa’id ayaa qoorta lagaga qabtay oo lagu dilay. Bahalka la yidhaa E-visuhu waa garaa’id kale oo ummadda reer Somaliland qoorta lagaga hayo.”
Eedeymo Ku Saabsan Sirdoonka Soomaaliya
Xamse Khayre waxa uu sheegay in qorshaha E-Visa-ha ay wado hay’adda sirdoonka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyey inay sidoo kale ka dambeysay dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable.
Waxa uu sheegay in dib loogu soo celiyey xilka Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya ay ahayd isku day lagu qarinayo raadadka dilkaas, isaga oo ku dooday in hay’ad dowladeed ay ku lug lahayd falkaasi.
Digniin Ku Saabsan Hubka Soomaaliya
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay hub iyo diyaarado dagaal oo uu sheegay in Soomaaliya iibsanayso, isaga oo xusay:
In la qorshaynayo iibka 24 diyaaradood oo MiG ah
In hubkaasi uu halis ku yahay Somaliland
In aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Israa’iil loo adeegsanayo hub urursi ka dhan ah Somaliland
Wuxuu sheegay in Somaliland aysan iska sugi doonin khatarahaas, isla markaana ay raadin doonto taageero caalami ah si ay isaga difaacdo wixii khatar ah ee kaga yimaadda Soomaaliya.
Fariin Ku Socota Bulshada
Xamse Khayre waxa uu ugu baaqay dadka ka hadla aqoonsiga Israa’iil balse aan ka hadlin arrimaha amniga Somaliland inay dib u eegaan mowqifkooda, isaga oo sheegay in muhiimaddu tahay ilaalinta jiritaanka Somaliland iyo ammaankeeda.


0 





