Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Cali Saahid Iyo Sababta Dhalisay

0
Saturday August 03, 2019 - 21:55:33 in News by
  • Visits: 7593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Cali Saahid Iyo Sababta Dhalisay

    Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Cali Saahid Iyo Sababta Dhalisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Lagu Weeraray Deegaanka Cali Saahid Iyo Sababta Dhalisay


Burco(HWN):-Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.




Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqon badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee la socday.


Gudoomiyaah deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer oo ka warbixinaya weerarka lagu qaaday badhasaabka ayaa waxa uu yidhi "Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka. Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la hadlay hctv.


Sidoo kale mar la waydiiyey sababta ay sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay. "Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

Loading...
Loading...