Komishanka HIV/AIDS oo Raashin Gaadhsiiyey 1,300 Qoys oo La Nool HIV/AIDS
Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Komishanka Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa raashin ku taageeray 1,300 qof iyo qoysaskooda oo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, iyadoo ka faa’iidaysanaya fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan.
Raashinkan ayaa la gaadhsiiyey guud ahaan gobollada dalka, si loo taageero qoysaska nugul ee u baahan garab istaag dhinaca nolol-maalmeedka, gaar ahaan xilligan oo baahidu sii korodhay.
Taageero Muhiim ah
Qaybinta raashinkan ayaa kusoo beegantay xilli ay dadka la nool HIV/AIDS si weyn ugu baahnaayeen taageero iyo taakulayn, taas oo ka turjumaysa dadaalka xukuumaddu ugu jirto daryeelka bulshada nugul iyo dadka qaba xanuunnada daba-dheeraada.
Masuuliyiinta Ka Qayb Qaatay
Qaybinta raashinka waxaa door weyn ka qaatay:
Agaasimaha Guud Dr. Maxamuud Cabdi Muxumed (Qiyaas)
Agaasimaha Dawada iyo Daryeelka Dr. Khadar Good Nour
Shaqaalaha Komishanka SOLNAC, gaar ahaan Waaxda Dawada iyo Daryeelka
Barnaamijkan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya is-garab-istaagga dowladda iyo bulshada, isla markaana kor u qaadaya daryeelka iyo nolosha dadka la nool HIV/AIDS.


0 





