Maayarka Hargeysa: Malcaamadihii Quraanka Waa in Dowladda Dib Loogu Soo Celiyaa

0
Thursday February 26, 2026 - 12:17:58 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Hargeysa: Malcaamadihii Quraanka Waa in Dowladda Dib Loogu Soo Celiyaa

    Maayarku wuxuu sheegay in:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarku wuxuu sheegay in:


Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa soo jeediyey in la diyaariyo qorshe dib loogu soo celinayo gacanta dowladda Malcaamadihii Quraanka ee hore u ahaan jiray hanti dowladeed, kuwaas oo ku yaallay degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargeysa.


 

Maayarku wuxuu sheegay in:

 

Qaar ka mid ah Malcaamadihii Quraanka ay dad gaar ahi yeesheen 

 

Qaarna loo beddelay guryo ama deegaan qoys

 

Qaar kalena weli loo isticmaalo barashada Quraanka 



 

Wuxuu xusay in dhismayaashaas ay yihiin hanti umadeed oo ay tahay in dib loogu soo celiyo dowladda si loo dayactiro loona horumariyo.


 

"Maanta rag baa iska wada haysta oo qayb guri ka dhigtay, qayb Quraanka u daayey, qaybna qoyskiisa soo dejistay, laakiin waa inay ogaadaan hanti umadeed inay hayaan, waana in laga dabatago oo la dayactiraa.”

 

Magaalo Qurux Badan iyo Bulsho Hagaagsan 


 

Maayarka ayaa sidoo kale sheegay in horumarka iyo nadaafadda magaalada Hargeysa ay ku xiran tahay bulshada lafteeda.


 

Wuxuu sheegay in haddii dadka noqdaan Muslimiin wanaagsan oo fulinaya wixii Alle faray, ay fududaan doonto in la helo magaalo qurux badan oo nadiif ah ✨


 

Qorshahan la soo jeediyey ayaa lagu doonayaa:

 

In la ilaaliyo hantida dowladda 

 

In la horumariyo barashada Quraanka 

 

In la hagaajiyo bilicda magaalada Hargeysa 

Loading...
Loading...