Fadhigii 55-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland

0
Thursday February 26, 2026 - 12:15:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii 55-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland

    1️⃣ Xaaladda Abaaraha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1️⃣ Xaaladda Abaaraha Dalka



Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada.

 

Kulanka waxaa lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin abaarta, ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha diblomaasiyadda.

 

1️⃣ Xaaladda Abaaraha Dalka 

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac, ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta.

 

Waxaa la sheegay in abaartu si weyn u saameysay dadka iyo xoolaha 

 

Gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshada nugul 

 

Wasiirku wuxuu ku baaqay gurmad qaran oo degdeg ah 

 

Waxaa la adkeeyey in gurmadku yahay waajib diini ah iyo mid qaranba.

 

2️⃣ Xaaladda Ammaanka Dalka 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdalle Maxamed Carab ayaa sheegay:

 

Ammaanka guud ee Somaliland waa mid sugan oo xasiloon

 

Ma jiro khatar amni oo weyn oo dalka ka jirta ✔️

 

3️⃣ Xaaladda Dhaqaalaha Dalka ????

 

Wasiirka Maaliyadda Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha ka siiyey warbixin dhaqaale.

 

Waxaa la sheegay in:

 

La xoojiyey kormeerka mashaariicda Bangiga Adduunka iyo Bangiga Afrika 

 

La kordhiyey isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta 

 

La dardargeliyey fulinta mashaariicda horumarineed 

Arrimaha horumarka keenay waxaa ka mid ah:

 

Hoggaan leh qorshe cad

 

Iskaashi lala yeeshay hay’adaha caalamiga ah

 

Kor u qaadista awoodda shaqaalaha

 

Kormeer joogto ah

 

Isku-duwid wanaagsan

 

4️⃣ Farriinta Madaxweynaha 

 

Gabagabadii kulanka, Madaxweynaha Somaliland ayaa Golaha u sheegay:

 

In uu magacaabayo Danjire cusub oo Somaliland u fadhiya Israa’iil 

 

In uu kulan la yeeshay madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ?

 

In kulamadaasi diiradda lagu saaray nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha bulshada

 

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu sheegay:

 

In uu dhawaan kulan la yeelan doono Culimada Somaliland 

 

Kulankan Golaha Wasiirrada ayaa muujinaya dadaalka xukuumadda ee ku wajahan xallinta abaarta, sugidda ammaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka dibadda.


Loading...
Loading...