Israa'iil iyo Somaliland oo ka wada hadlay Iskaashi ku saabsan Horumarinta Biyaha

0
Thursday February 26, 2026 - 12:13:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil iyo Somaliland oo ka wada hadlay Iskaashi ku saabsan Horumarinta Biyaha

    Labada dhinac ayaa ka wada hadlay tiknoolajiyada casriga a,....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay tiknoolajiyada casriga a,....



Hargeysa / Tel Aviv – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil Eden Bar Tal ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Aadan Cabdalla Cabdilaahi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinaca biyaha.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashi farsamo iyo horumarinta khayraadka biyaha, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa awoodda Somaliland ee maaraynta biyaha iyo helitaanka adeegyo biyo oo waara. Shirkan waxaa sidoo kale qayb ka ahayd hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Israa’iil (MASHAV) oo ka shaqaysa mashaariic horumarineed iyo tababaro farsamo.



 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay tiknoolajiyada casriga ah ee biyaha, tababarrada shaqaalaha, iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamyada biyaha ee Somaliland, gaar ahaan xilligan oo dalka ay ka jiraan xaalado abaareed.


 

Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga dhinacyada farsamada iyo horumarinta kaabeyaasha biyaha.


 

Iskaashigan cusub ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto horumarinta adeegyada biyaha, isla markaana kordhiyo awoodda Somaliland ee ka hortagga biyo-yaraanta iyo abaaraha soo noqnoqda.

Loading...
Loading...