Guddoomiye Ku-xigeenka Maroodi-jeex: "Cid Kasta Oo Sharciga Jebisa Waa Lala Tiigsanayaa"
Hargeysa – Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex, Wali Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal leh sharci iyo dastuur shaqaynaya, isla markaana cid kasta oo jebisa qawaaniinta dalka lala tiigsan doono tallaabo waafaqsan shuruucda dalka.
Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu caddeeyay in xukuumaddu aysan cidna cabudhinayn, balse ay ka go’an tahay fulinta iyo dhowrista sharciga, isaga oo xusay in qof kasta oo ku xadgudba qawaaniinta dalka uu mutaysan doono waxa sharcigu dhigayo, hadday noqoto xukun ama xadhig.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in sharcigu wada saaran yahay dhammaan muwaadiniinta Somaliland, madax iyo shacabba, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya qaranimada Somaliland.
"Naxariisi nagama dhaxayso qof kasta oo qaranimada Somaliland tabata,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenku.
Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex ayaa xusay in xidhiidh kasta oo diblomaasiyadeed oo Somaliland la yeelato dalal kale uusan ka dhignayn ka leexasho diimeed, balse uu yahay arrin siyaasadeed oo ku salaysan danaha qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah.
Hadalka Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay xukuumadda Somaliland adkaynayso ilaalinta sharciga, amniga iyo qaranimada dalka.


0 





