Kulan Heer Sare Ah Oo Washington Lagu Falanqeeyay Aqoonsiga Somaliland

0
Thursday February 26, 2026 - 12:09:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Heer Sare Ah Oo Washington Lagu Falanqeeyay Aqoonsiga Somaliland

    Xafiiska Somaliland ee Maraykanka iyo saaxiibbadiisa caalamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Somaliland ee Maraykanka iyo saaxiibbadiisa caalamiga



May be an image of ‎newsroom and ‎text that says '‎itute H Hudson Institute и HudsonInstitute Hudson Institute Hudson HudsonInstitute Institute H Hudson HudsonInstitute Institute te и Hudso Hudson Institute H ite udson udsonInstitute Institute H Hudson Institu A Hudso Hudson Institute Institute H in nIr יוץ msuGmtWiliam.o.CHEMIP Gavin silliamson CRE MP JoshuaMeservey Joshua Meservey‎'‎‎

Washington – Machadka Hudson Institute ee magaalada Washington ayaa lagu qabtay kulan heer sare ah oo si gaar ah diiradda loogu saaray aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada caalamiga ah ee ay Somaliland raadinayso.


 

Kulankan istiraatiijiga ah waxaa martigeliyay khabiirka siyaasadda Afrika Michael Meservey, waxaana ka qayb galay masuuliyiin iyo xeeldheereyaal si weyn u taageera qaddiyadda Somaliland. Waxaa ka mid ahaa Sir Gavin Williamson, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska, oo muddo dheer u ololeynayay aqoonsiga Somaliland, iyo Dr. J. Peter Pham, oo ah danjire hore oo Maraykan ah kana mid ah diblomaasiyiinta taageersan arrinta Somaliland.


 

Sida ay werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya tan iyo markii 26-kii December 2025 ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, taas oo sare u qaadday dooddii caalamiga ahayd ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland.


 

Xafiiska Somaliland ee Maraykanka iyo saaxiibbadiisa caalamiga ah ayaa la sheegay inay kordhiyeen dadaallada ay ka wadaan Washington, iyaga oo si dhow ula shaqeynaya machadyada cilmi-baarista, warbaahinta, kooxaha ololeynta iyo xarumaha go’aan-qaadashada siyaasadda, si loo ballaadhiyo taageerada Somaliland ee gudaha Maraykanka.


 

Diblomaasiyiinta iyo xeeldheereyaasha ka qaybgalay kulankan ayaa hore ugu baaqay dowladda Maraykanka inay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay la yeelato iskaashi siyaasadeed iyo mid amni oo dhow, iyaga oo ku tilmaamay Somaliland dal dimuqraadi ah oo xasilloon kana tirsan Geeska Afrika.

Loading...
Loading...