Tanzania Oo Ka Digtay Kororka Kiisaska COVID-19 iyo Dengue
Dar es Salaam – Dowladda Tanzania ayaa ka digtay koror laga dareemayo kiisaska cudurrada COVID-19 iyo Dengue, kadib bayaan ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi oo loogu baaqay shacabka inay qaataan taxaddarro caafimaad.
Bayaanka oo ay soo saartay Madaxa Caafimaadka Dowladda, Dr. Grace Magembe, ayaa lagu sheegay in kororka cudurradan lagu ogaaday kormeer joogto ah oo lagu sameeyay xaaladaha cudurrada faafa ee dalka.
Wasaaradda Caafimaadka Tanzania ayaa muwaadiniinta ugu baaqday inay si adag u raacaan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafitaanka cudurradan oo khatar ku noqon kara bulshada.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in cudurrada qaarkood ay ku faafaan dhibco hawada ku gudba oo ka yimaadda qof cudurka qaba, kuwaas oo ku fida marka la qufaco, la hindhiso ama la hadlo, taas oo kordhin karta halista gudbinta cudurka.
Dowladda Tanzania ayaa sidoo kale ku boorrisay shacabka inay kordhiyaan nadaafadda guud, ka fogaadaan meelaha ciriiriga ah, isla markaana si degdeg ah u raadsadaan adeeg caafimaad haddii ay dareemaan calaamadaha cudurradan.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay sii wadi doonaan la socodka xaaladda caafimaad ee dalka, iyaga oo ballanqaaday in shacabka lala wadaagi doono xog kasta oo cusub oo la xidhiidha cudurradan.


0 





