Madaxweyne Cirro Oo Lagu Casuumay Munaasabad Caalami ah Oo Ka Dhici Doonta Baarlamaanka UK

0
Wednesday February 25, 2026 - 16:28:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro Oo Lagu Casuumay Munaasabad Caalami ah Oo Ka Dhici Doonta Baarlamaanka UK

    Casuumaddan rasmiga ah ayaa Madaxweynaha Somaliland siinaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casuumaddan rasmiga ah ayaa Madaxweynaha Somaliland siinaysa


Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu martiqaaday munaasabad heer caalami ah oo ay martigelinayso Westminster Africa Business Group, taas oo ka qabsoomi doonta xarunta Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska (UK).


 

Casuumaddan rasmiga ah ayaa Madaxweynaha Somaliland siinaysa fursad uu kaga qayb galo kulan caalami ah oo ka dhici doona Aqalka Baarlamaanka UK, halkaas oo uu ku soo bandhigi doono qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhisan tahay Somaliland, kaas oo lagu tilmaamo mid ka duwan dalal badan oo ku yaalla gobolka Geeska Afrika.



 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu kulanka ka jeediyo khudbad muhiim ah oo diiradda saaraysa fursadaha maalgashi ee Somaliland, horumarinta ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo koboca dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.


 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona maalgashadeyaal caalami ah, shirkado waaweyn iyo masuuliyiin heer sare ah, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo soo jiidashada maalgashiga Somaliland.


 

Kulankan heer caalami ah ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadaya sumcadda iyo muuqaalka caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana furaya fursado cusub oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah, kuwaas oo si toos ah uga faa’iidaysan kara muwaadiniinta Somaliland.


 

Waxaa sidoo kale la filayaa in ka qaybgalka Somaliland ee munaasabadahan caalamiga ahi uu kaalin ka qaato xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo aqoonsiga Somaliland iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah.


Loading...
Loading...