Turkiga Oo Ka Guuray Nidaamka Oracle, Kuna Beddelay Database-ka Maxalliga ah ee KOVAN
Ankara – Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay si tartiib ah uga guurtay adeegsiga nidaamka keydinta xogta ee shirkadda Mareykanka ee Oracle, iyadoo u wareegtay nidaam maxalli ah oo lagu magacaabo KOVAN, kaas oo ay soo saartay shirkadda difaaca Turkiga ee HAVELSAN.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada Turkiga ee lagu xoojinayo madax-bannaanida tignoolajiyadda iyo amniga xogta qaranka, maadaama xogta muhiimka ah ee hay’adaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay hore loogu kaydin jiray nidaamyo shisheeye.
Nidaamka KOVAN waa software database ah oo loogu talagalay maareynta iyo kaydinta xogta, waxaana si gaar ah loogu sameeyay inuu noqdo beddelka nidaamyada caalamiga ah sida Oracle. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in nidaamkani awood u siinayo in xogta muhiimka ah lagu hayo gudaha dalka, taas oo sare u qaadaysa ammaanka xogta iyo madaxbannaanida dijitaalka ah.
Sida lagu sheegay xogta la helayo, hay’adaha dowladda Turkiga iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay — oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya warshadaha difaaca — ayaa bilaabay inay adeegsadaan nidaamka KOVAN, si loo hubiyo in xogta muhiimka ahi aysan ku xirnaan nidaamyo shisheeye.
Khubarada tiknoolajiyadda ayaa tilmaamaya in waddamada doonaya madax-bannaani dijitaal ah ay muhiim u tahay in xogtooda lagu kaydiyo nidaamyo gudaha ah, maadaama kaydinta xogta dibadda ay keeni karto khataro amni iyo ku tiirsanaan tignoolajiyadeed.
Tallaabada Turkiga ayaa loo arkaa mid tusaale u noqon karta dalalka kale ee doonaya inay xoojiyaan ilaalinta xogta qaranka iyo horumarinta tiknoolajiyadda gudaha.


0 





