Madaxweyne Cirro Oo Cafis Guud U Fidiyey 713 Maxbuus
Hargeysa – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa cafis guud u fidiyey 713 maxbuus oo ku xukuman dembiyo fudud kuwaas oo ku xidhan xabsiyada dalka.
Wareegto Madaxweyne oo soo baxday ayaa lagu sheegay in cafiskan lagu saleeyey Qodobka 90aad, faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii Madaxweynaha uu tixgeliyey soo-jeedinta Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo talo-bixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isla markaana uu la-tashiyo la yeeshay hay’adaha ay khusayso.
Wareegtada ayaa dhigaysa in cafiska uu dhaqan gelayo laga bilaabo taariikhda maanta, isla markaana uu khuseeyo maxaabiista lagu xukumay dembiyada fudud, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 713 maxbuus oo ku kala xidhan xabsiyada kala duwan ee Somaliland.
Sidoo kale, wareegtada Madaxweynaha ayaa caddeysay in cafiskani uusan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyada ay maxaabiistu ku xukunnaayeen, balse uu yahay cafis ku kooban xadhigga.
Waxaa la faray Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu fuliyo cafiskan, iyadoo la raacayo liiska maxaabiista ee ku lifaaqan wareegtada.
Cafisyada noocan oo kale ah ayaa badanaa la bixiya munaasabadaha diimeed ama waqtiyada gaarka ah, si maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman loo siiyo fursad ay dib ugu bilaabaan nolol cusub.


0 





