Madaxweyne Cirro Oo Afur La Qaatay Odayaasha Awdal, Adkeeyey Nabadda iyo Midnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan afur ah la qaatay odayaasha iyo madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada ku dhaqan gobollada Awdal iyo Selel.
Kulanka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya xukuumadda iyo madax-dhaqameedka si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madax-dhaqameedka Gobolka Awdal doorka ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada, isaga oo xusay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee dawladnimada iyo horumarka dalka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada ay tahay waajib qaran oo saaran dhammaan shacabka Somaliland.
Intii uu kulanku socday waxaa si gaar ah looga dooday xoojinta isfahamka iyo wada shaqaynta ka dhexeysa laamaha dowladda iyo madax-dhaqameedka si looga hortago wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada ee gobollada Awdal iyo Selel.
Madaxweynaha ayaa madax-dhaqameedka siiyey warbixin guud oo ku saabsan horumarka laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee dawladnimada iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in arrinta aqoonsigu ay marayso heer wanaagsan.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey bulshada Somaliland inay sii xoojiyaan midnimada, nabadda iyo difaaca qarannimada, gaar ahaan xilligan oo uu sheegay inay jiraan caqabado iyo cadaadis dibadeed, isagoo tilmaamay in wadajirka shacabka Somaliland uu yahay furaha mustaqbal horumar leh.








![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 














