Abdel Fattah el-Sisi oo Gaaray Sacuudiga, Wada-hadallo La Filayo
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa maanta gaaray Sacuudiga, halkaas oo garoonka diyaaradaha ee Jeddah ku soo dhaweeyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman. Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay wada-hadallo yeelanayaan, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulankooda.
Xaalad Siyaasadeed oo Xasaasi ah
Booqashadan degdegga ah ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii Sacuudiga iyo Masar ay si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saareen hadal ka soo yeeray safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, kaas oo ku baaqay in Israa’iil la wareegto guud ahaan Bariga Dhexe. Labada dal ayaa ku diiday hadalkaas, iyaga oo dalbaday in Mareykanka si cad u qeexo mowqifkiisa rasmiga ah.
Geeska Afrika oo Miiska Saaran
Sidoo kale, Sacuudiga ayaa la sheegay inuu wado dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu mar kale ku celiyay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay gaadho Badda Cas.
Arrintan ayaa ka dhigaysa in wada-hadallada u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Sacuudiga iyo Masar ay si weyn u taaban karaan xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan muranka marin-badeedka iyo isu-dheellitirka awoodaha gobolka.
Inkasta oo aan wali la shaacin faahfaahin rasmi ah, haddana kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha juqraafiyeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.


0 





