Jadwalka Khayrka Maalinlaha Bisha Ramadaan

0
Tuesday February 24, 2026 - 12:20:34 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jadwalka Khayrka Maalinlaha Bisha Ramadaan

    Qorshaha maalin-laha bisha dhinaca raga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha maalin-laha bisha dhinaca raga.


Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa toobad saafiya, go’aan adag iyo ka gacan qab-sashada khayrka iyo ku camirid camalo suuban Allaale baan ka baryaynaa in cibaado suuban inagu gargaaro. Waxaan halkan ku soo gudbin doonaa barnaamij rag iyo dumara oo bisha ramadaana. Aan isku dayno in aan ka faaiidaysano saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah wixii faaiido iyo intifaaca aakhiro iyo aduun inoo leh

Qorshaha maalin-laha bisha dhinaca raga.

Subaxa ka hor:

·Salaada Tahajudka ku dadaal adiga oo mid gaar kuu ah samaysanaya habeenkii gurigaaga.

·Suxuurtu waxa ku jira barako badan ku dadaal.

·Wakhtiga suxuurtu waa wakhti dahabiya oo Allaah koreeye, dambi dhaaf la waydiisto.

·Tuko labada rakcadood ee ka horeeya salaada subax waxay ka qiimo badan yihiin aduunyada iyo waxa dhex-yaala.

Waabariga ka dib.

1.U ka’lah salaada subax. Xadiisku waxa uu haa "haddii ay ogaan lahaayeen kalahaada salaada subax waxay ku iman lahaayeen iyaga oo gurguuranaaya”.

2.Ku mashquul dikriga, ducada ilaa la aqiimayo.

3.Masaajidka in la fadhiyo oo quraan akhrin iyo dikri waa fursad dahabi ah, ilaa cadceedu soo baxayso

4.Laba rakcadod in la tuko marka cadceedu soo baxdo waa sune.

5.In aad ku ducaysato in Rabbi dahirnaaye kuu barakeeyo maalintaada ducada subixiina akhrisato.

6.In aad wakhti hurdo ah oo nasasho ah qaadato adiga oo taa lafteeda ku ajar dalbaaya mucaad Allaah raali ha ka noqdee waxa uu yidhi waan xisaabsadaa hurdadayda sida camalkayga oo kale si firfircooni cibadada ugu hesho.

7.In aad shaqo tagto majiro arsaaq ka khayr badan ta la xoogsadaa.

8.In wakhtiga firaaqadada oo dhan dikrigu carabkaag ka qalalin, ahlu januhu waxay ka xumaadaan in saacad soo martay aanay Rabbi dahirnaaye xusin.

9.Sadaqada ogow si aad ducada malaaigta u hesho ee yidhaa, Allaw sii ka wax bixiya.

Dhurka:

10. Aadaanka masaajidka tag wakhtigaasi ducadaa la aqbalaa oo ducayso tuko 2 rakcadood ee ka horeeya 4 ka dambeeya salaada duhur.

11. Jidhkaagu xaqbuu kugu leeyahay nasasho qaado duhurka ka dib.

Casarka:

1.ku dadaal in masaajidka hore u tagto, sunayaashana tukano.

2.Dhagayso wacdi haddii masaajidka ka socodo ajar wayn baan ku jira.

3.In aan fadhiga masaajidka barano khayr badan baa ku jira.

4.In aad wayso qaadato oo masajidkana tagtaa waa booqde Rabbi koreey, martidana xaqeedu waa in la karaameeyaa.

MAQRIB

1.Ku dadaal ducada marka cadceedu dhacdo.

2.Afurka cun adoo ducaysana lehna ducadan.

3.In cid kula afurto guriga oo musliminta baahaan waa ajar iyo fursad qaaliya.

4.Salaada jamaca hore u gaadh oo afurka ha ku habsaamin iyo safka hore.

5.Masaajidka fadhiiso akhriso adkaarta habeenkii waxa laga heli karaa kitaabka la yidhaa Xisnul Muslim oo mobile ka ku soo dajisan karto ama soo iibso adkaar baa ku dhan kitaabkaa.

6.Kulan waxbarasho u qabo xaafada waa barakee oo bar hal xadiisna ha haato guriga in xalqad diiniya laga sameeyaa saamayn cajiiba ayay ku lee dahay nolosha qoyska muslimka ah.

7.U diraar garaw salaada Cishaa’i iyo taraawiixda cunto fudud cun.

CISHAA’IGA

1.Salaad cishaa jamaca gaadh iyo safka hore.

2.La dhamayso taraawiixda imaamka ajarwayn baa ku jira la dhamaysiga ku soo arooray.

3.Dib baad u dhigan kartaa witriga ilaa habeenka xagiisa dambe haddaad karayso.

Barnaamij furan

1.Booqashada qaraabada gaar ahan waalidiinta iyo asxaabta, jaarka, falgalinta wacyigalin diiniya iyo adeeg bulsheed iyo cilmi korodhsi.

2.Axkaam adaab iyo hab-dhaqan cashar xaafada ah, laylin naftaada ah ka qayb gal arrimaha xaafada ee gargaarga bulshada.

Qayb’talabaad

Barnaamijka gabadha muslimada ah ee bisha ramadaaan

Dumar badan khayrkani waxa uu ku dhaafaa shaqooyinka guriga iyo caruurta ama wax yaabo kale waxa haboon qodobadan soo socda in lagaga faaiidaysto.

1.In wakhtiga suxuurta marka la suxuurta, duco iyo dikhri lagu camiro salaada subaxna aan laga seexan.

2.In salaada subax loo diyaar garoobo, aadaanka la sugo ka dibna labada rakcadood sunee ajarka wayn leh la tukado.

3.In salaada ka dib adkaarta la akhristo.

4.In aad fadhido hal-kaad ku tukato ilaa cadceedu soo baxayso adoo quraanka malintii kuu qorshaysan akhrinaya intaad ka gaadho kadib adkaartii subaxa akhrido.

5.In aad qaadato nasasho iyo hurdo yar hadaan shaqo jirin ka dibna salaadu duxa tukato.

6.In aad samaysato qorshe quraan habeenka iyo maalinta sababta waa bishii quraanku soo dagay, ugu yaraan hal mar dhamee.

7.Aadanka markaad maqasho ka daba dheh hana hilmaamin adkaarta salaada ka dib.

8.U istaagida adeega guriga sida diyaarinta cuntada iyo diyaarinta waxa xaafadu u baahan tahay iyadoon lagu xeel-dheeraanayn lana daadaadinayn.

9.Wakhti gaara oo ducada iyo adkaarta habeenkii samayso maqrib ka kadib waa wakhtiga aqbalaadee.

10.Haddii aadaanka maqrib dhaco dagdaga u afur.

11.U diyaar garaw salaada cishaa’i iyo taraawiixda iyadoo arrimahan la ilaalinaayo.

Iyada oo sunuhu yahay in dumaraku guryahooda ku tukadaan hadana Nabigu naxariis iyo amaani dushiisha ha ahaatee waxa uu yidhi "ha u diidin adoomaha rabbi masaajidada”, marka ay yimaadaan in aanay cadar soo marsan, asturaad dhamaystiran soo qaataan, in aanay is dhex-qaadin raga iyo dumarku marka salaadu dhamaato.

1.Ku dadaal in aanad soojeedin habeenkii taasi oo dhaqan u noqotay dhalinyaro badan taasi oo in maalintii la hurdo habeenkiina lagu soo jeedo daawashada filimo iyo wax aan dhaamin. Bishani waa sida kaalin shidaal oo sanadkii ina soo marta oo la doonayo in aad si caqli iyo xikmadleh uga dhiishaan dhaansano khayrka boqol jeer libin-laaban.

Xigasho: dagalka Saed.com

Ahmed Ali Kahin <[email protected]>


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...