AFP: Somaliland oo Wajahaysa Abaar Ba'an, Iskaashi Cusub oo ay la Yeelanayso Israel

0
Tuesday February 24, 2026 - 11:37:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AFP: Somaliland oo Wajahaysa Abaar Ba'an, Iskaashi Cusub oo ay la Yeelanayso Israel

    Qaybtii ugu horreysay ee 25 shaqaale oo ka tirsan waaxda biyaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii ugu horreysay ee 25 shaqaale oo ka tirsan waaxda biyaha Somaliland



Hargeysa – Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wajahaysa abaar ba’an oo si weyn u saameysay beeraha iyo xoolaha, iyadoo rajaynaysa in iskaashi cusub oo ay la yeelanayso Israel uu ka taageeri karo maaraynta biyaha iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.

 

Sida lagu sheegay warbixin ay qortay AFP, oo ay soo xigatay SOLNA, dhulkii la beeray ayaa roob la’aanta darteed isu beddelay carro qallalan, halka kaydkii biyuhuna ay engegeen.

 

Saamaynta Abaarta

 

Deegaanka Lallays ee Gobolka Saaxil ayaan la helin wax roob ah tan iyo badhtamihii sannadkii hore, inkastoo xilligan caadiyan ahaan jiray xilliga ugu roobka badan. Beeraleydu waxay ka digayaan in haddii xaaladdu sii socoto ay ka guuri doonaan dhulkooda una hayaami doonaan magaalooyinka, maadaama noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha oo hadda khatar ku jira.

 

Khabiir ku takhasusay beeraha ayaa sheegay in ku dhowaad 90% beeraleyda Somaliland ay si buuxda ugu tiirsan yihiin roobka, taas oo ka dhigaysa kuwo aad ugu nugul abaaraha soo noqnoqda.

 

Iskaashi Istiraatiiji ah

 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in bishii December 2025, Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland tan iyo 1991-kii, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan iskaashi istiraatiiji ah oo labada dal yeellan doonaan.

 

Qaybtii ugu horreysay ee 25 shaqaale oo ka tirsan waaxda biyaha Somaliland ayaa gaadhay tababar lagu qabanayo Israel, iyadoo khubarro Israeli ahna la filayo inay Somaliland ka hirgeliyaan tiknoolajiyad cusub oo la xidhiidha sifeynta iyo dib-u-warshadaynta biyaha.

 

Rajada Mustaqbalka

 

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa rajo ka muujiyay in khibradda Israel ee maaraynta biyaha – oo dunida si weyn looga qadariyo – ay wax ka beddeli karto ku-tiirsanaanta roobka, isla markaana kordhin karto dhulka la beero oo hadda aad u kooban.

 

Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim u noqon kara yaraynta saameynta abaaraha iyo xoojinta sugnaanta cuntada ee dalka, gaar ahaan xilli isbeddelka cimiladu sii kordhinayo caqabadaha beeraha iyo xoolaha.


Loading...
Loading...