Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer oo Heegan Geliyey Ciidamada
Burco – Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer ayaa ku dhawaaqay in heegan la geliyey ciidamada ammaanka, isaga oo faray in askari kasta oo dirays xidhan oo fasax ku jooga magaalada Burco uu u hoggaansamo ciidanka roondada wada, isla markaana caddeeyo shaqada uu hayo iyo warqaddiisa fasaxa.
Taliyuhu waxa uu sheegay in askari kasta oo roondo lagu joojiyo laga doonayo inuu ixtiraamo hawsha ciidanka, una sheego ciidanka uu ka tirsan yahay iyo ujeeddada uu wakhtigaas magaalada u joogo.
"Ciidanka roondada ka samaynaya Burco waa in askari kasta oo dirays xidhan oo ay joojiyaan uu ku ixtiraamaa shaqadooda oo u sheegaa ciidanka uu ka tirsan yahay iyo hawsha uu saacaddaas qabanayo. Askari aan wadan warqaddiisa fasaxa waa in uu fuulo gaadhiga roondada si loo waydiiyo waxa uu ku sugan yahay wakhtigaas,” ayuu yidhi Taliyuhu.
Xoojinta Ammaanka Magaalada
Taliyaha ayaa xusay in ammaanka magaalada Burco uu yahay mid deggan, hase yeeshee hawlgalladan cusub ay yihiin kuwo lagu sii adkaynayo sugidda nabadgelyada iyo kala dambaynta.
Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka bulshada.
Go’aankan ayaa imanaya xilli la dardargelinayo roondooyinka iyo hubinta dhaqdhaqaaqyada magaalada, si loo xaqiijiyo in dhammaan ciidanka dirayska xidhan ay wataan aqoonsi iyo warqadaha fasaxa ee waajibka ah.


0 





