Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax: "Looma Dulqaadan Doono Qof Ku Xadgudba Qaranimada iyo Shuruucda"
Burco – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin hadallo iyo muuqaallo lagu baahiyo baraha bulshada oo ka hor imanaya qaranimada iyo shuruucda dalka, gaar ahaan kuwa lagu faafiyo madalaha sida TikTok.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka "sheeko iska duubaya” ama ku hadlaya "af qabiil” ee bulshada kala fogeeya laga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo loo marayo nidaamka maxkamadaha iyo xeerarka dalka.
"Looma dulqaadan doono tallaabo kasta oo ka hor imanaysa qaranimada iyo kala dambaynta bulshada. Qofkii ku xad-gudba sharciga, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa annagoo u marayna waajibaadka maxkamadaha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Ilaalinta Wadajirka Bulshada
Ramaax ayaa xusay in xukuumaddu masuul ka tahay ilaalinta sharafta, cirdiga iyo diinta muwaadiniinta, isla markaana aan la oggolaan doonin in baraha bulshada lagu waxyeelleeyo sumcadda iyo wadajirka bulshada ku nool magaalada Burco.
"Inan yar oo TikTok waxa uu doono ka idhaahda Burco kama ogolaanayno,” ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo ku celiyay in cid kasta oo ku kacda falal sharci-darro ah lala tiigsan doono sharciga.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xilli si weyn loo hadal hayo saamaynta baraha bulshada ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan marka la eego hadallada kicin kara xiisado ama khilaafyo bulsho.


0 





