Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo Guddoomiyey Shirka Wadaagayaasha Waxbarashada JSL

Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, ayaa guddoomiyey shirka bilaha ah ee ay wada yeeshaan wadaagayaasha (Stakeholders) waxbarashada iyo madaxda wasaaradda, kaasi oo maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada.
Ka-Qaybgal Balaadhan
Shirka waxaa ka soo qayb-galay saraakiil ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradda, iyadoo si qoto dheer loogu falanqeeyey arrimaha waxbarashada qaranka iyo sidii loo sii dardargelin lahaa kaalinta ay wadaagayaashu ka qaataan horumarinta waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobbada Muhiimka ah ee Laga Dooday
Qodobada ugu waaweyn ee shirka lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa:
Warbixinnada Waaxaha iyo Kooxaha Farsamo
Kooxaha kala ah Access, Quality, EiE (Education in Emergencies), Gender iyo Governance ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii bishii la soo dhaafay iyo qorshayaasha bisha soo socota.
Mashruuca Climate Smart Education
Waxaa la soo bandhigay daraasad ku saabsan mashruuca Climate Smart Education, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray samaynta khariidad isku-dhafan (Integrated Mapping), taas oo lagu qorsheynayo horumarinta waxbarashada iyadoo la tixgelinayo saameynta isbeddelka cimilada.
Iskaashi iyo Dardar-gelin
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya wasaaradda iyo wadaagayaasha, si loo xaqiijiyo tayada, helitaanka iyo maamul-wanaagga waxbarashada dalka.
Shirkan bilaha ahi wuxuu ka mid yahay hannaan isla-xisaabtan iyo wada-tashi joogto ah oo lagu xoojinayo horumarinta nidaamka waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.














0 





