Somaliland Oo Laga Dacwaynayo Qaramada Midoobay & Ururo Caalami Ah Iyo Sababta Keentay
Hargeysa(HWN):- Dawladda Seychelles ayaa shaacisay dacwad ay ka qabto go’aanka ay somaliland ku sii daysay maxaabiis budhcad badeednimo lagu xukumay oo madaxweyne Muuse Biixi cafis u fidiyey.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Seychelles ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dawladda Somaliland ay sii deysay xukunsaneyaal, ay maxkamadaha dalka Seychelles ku rideen xukunno xabsi oo ahaa 30 sano, 36 sano iyo 42 sano, kaddib markii ay ku heshay dembiyo budhcad badeednimo.

War lagu faafiyey wakaaladda wararka ee dawladda Seychelles ayaa lagu sheegay in dawladdan oo ah jasiirado ku taalla galbeedka badweynta Hindiya ay qoraal cabasho oo rasmi ah u dirtay dawladda Somaliland, iyada oo u muujinaysa sida aadka ah ee ay uga soo horjeeddo sii deynta maxaabiistaas aan xukunkooda dhammaysan.
Agaasimaah waaxda arrimaha badaha ee wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles, Marwo Maadliin ayaa qoraal ka soo baxay wasaaradda ku sheegtay in warka sii deynta maxaabiistaasi uu u qaadan waa ku noqday, maadaama oo ay ahayd tallaabo ay dawladda Somaliland qaadday iyada oo aan kala tashan dawladda Seychelles ee heshiisku ka dhexeeyey. Iyada oo go’aanka dhinaca keliya ah ee ay Somaliland ku qaadatay sii deynta maxaabiistanna ku tilmaamay in ay burin ku tahay qodobbada heshiiska labada dal, oo caddaynaya in awoodda dib u eegista xukunnadan ay leedahay dawladda Seychelles.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Seychelles waxa ay ayaa sida oo kale warqad u qortay dawladda Maruushis iyo urur gobaleedka Indian Ocean Commission oo haya guddoomiyenimada ‘Kooxda xidhiidha budhcad badeedda xeebaha Soomaaliya’ ee fadhigoodu yahay New York, iyada oo ka codsanaysa in ay taageeraan cambaarayn wadajir ah oo ay beesha caalamku Somaliland ugu soo jeediso sii deynta 19 ka maxbuus ee aan waqtigoodii dhammaysan, iyo in arrintan lala socodsiiyo xoghayaha guud iyo golaha ammaanka ee Qaramada midoobey.


0 





