Israa'iil Weftigii Khubarada Biyaha Somaliland oo Tababar Ka Bilaabay Israel

Wefti ka kooban 25 khabiir oo ka socday Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyey dalka Israel, halkaas oo ay ka bilaabeen tababar aqoon-korodhsi ah oo ku saabsan qorshaynta iyo maareynta khayraadka biyaha qaranka.
Weftigan ayaa waxaa halkaas ku qaabishay Madaxa hay’adda MASHAV ee iskaashiga iyo horumarinta u qaabilsan Israel, Marwo Eynat Shlein, oo sidoo kale ah ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel.
Tababarkan oo ah kii ugu horreeyey ee si gaar ah loogu diyaariyey khubarada biyaha ee Somaliland, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda hay’adeed, kor u qaadista khibradda farsamo, iyo horumarinta maareyn waarta oo lagu sameeyo khayraadka biyaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in barnaamijkani ku qalabayn doono khubarada Somaliland aqoon iyo xirfado casri ah oo lagu horumarinayo nidaamka qorshaynta iyo maareynta biyaha qaranka.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale taageeraya Yoolka Horumarinta Waara ee lixaad, SDG 6, kaas oo diiradda saaraya helitaanka iyo maareynta waarta ee biyaha.
Iskaashigan cusub ayaa muujinaya xoojinta xiriirka labada dhinac, iyada oo la rajeynayo in aqoonta laga helo tababarkan ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta adeegyada biyaha ee Somaliland.


0 





