Masuuliyiin Caafimaad oo Booqday Hooyo Ku Umushay Bannaanka Xarun Caafimaad oo Gabiley ku Taalla

0
Monday February 23, 2026 - 12:38:35 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Caafimaad oo Booqday Hooyo Ku Umushay Bannaanka Xarun Caafimaad oo Gabiley ku Taalla

    Mas'uuliyadda oo la Qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyadda oo la Qaatay



Gabiley – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Maayerka Gabiley iyo Isu-duwaha Caafimaadka ee gobolka Gabiley ayaa maanta booqday hooyo fool ahayd oo lagu soo warramay inay ku umushay bannaanka hore ee xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Gabiley.

 

Hooyadan ayaa la sheegay inay xarunta timid waaberigii hore, qiyaastii shantii subaxnimo, balse ay ku umushay afaafka hore ee xanaanada, arrintaas oo dhalisay dareen iyo falcelin bulsho.

 

Mas’uuliyadda oo la Qaatay

 

Masuuliyiinta ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Gabiley ayaa si wadajir ah u caddeeyay inay qaadeen masuuliyadda dhacdada, isla markaana ay ka shaqayn doonaan in si dhab ah wax looga qabto sababaha keenay arrintan.

 

Waxay sheegeen in dhacdadan si gaar ah loogala xisaabtami doono shaqaalihii ku qornaa shaqada waqtigaasi, si loo hubiyo in adeegyada hooyada iyo dhallaanka loo fuliyo si waafaqsan habraacyada iyo masuuliyadda xirfadeed.

 

Tallaabooyin La Qaadayo

 

Masuuliyiintu waxay xuseen in la dardargelin doono dib-u-eegis lagu sameeyo nidaamka adeeg bixinta, gaar ahaan xilliyada habeenkii iyo waaberiga, si loo xaqiijiyo in bukaan kasta helo daryeel degdeg ah oo ku habboon xaaladdiisa.

 

Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay baahida loo qabo xoojinta tayada iyo isla-xisaabtanka adeegyada caafimaadka, si loo ilaaliyo badbaadada hooyooyinka iyo dhallaanka.


Loading...
Loading...