Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta JSL oo Warbixin Siiyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida

0
Monday February 23, 2026 - 12:36:42 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta JSL oo Warbixin Siiyay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida

    Ballaarinta gaadhista warbaahinta dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ballaarinta gaadhista warbaahinta dalka

May be an image of one or more people and wedding



Hargeysa – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Muuse Askar Guuleed, ayaa hor tegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo warbixin faahfaahsan ka siiyay hawlaha iyo qorsheyaasha wasaaradda.

 

Doorka Warfaafinta ee Aqoonsi-raadinta

 

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee warfaafintu ku leedahay hawlaha aqoonsi-raadinta Somaliland, isaga oo tilmaamay in warbaahintu tahay laf-dhabarka gudbinta xaqiiqada iyo wacyigelinta bulshada gudaha iyo dibaddaba.

 

Waxa uu sheegay in wasaaraddu si gaar ah u xoojisay gaadhsiinta fariinta Somaliland ee ku aaddan dawladnimada, dimuqraadiyadda iyo xasilloonida, si loo gaadho saameyn caalami ah.

 

Mashaariic Horumarineed

 

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu xusay mashaariic muhiim ah oo ay wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

Dhammaystirka Tiyaatarka Wasaaradda

 

Dhismaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka

 

Ballaarinta gaadhista warbaahinta dalka

 

Waxa uu tilmaamay in Radio Hargeysa hadda laga dhegeysan karo telefoonada gacanta, taas oo ka faa’iidaysteen bulshada ku nool miyiga iyo deegaannada ka fog ateenooyinka.

 

Warbaahin Afaf Kala Duwan ku Baxda

 

Wasaaraddu waxa kale oo ay kordhisay soo saarista warbixinno ku baxa afaf kala duwan sida English iyo Af-Carabi, si fariinta Somaliland loo gaadhsiiyo heer caalami.

 

Sidoo kale, waxaa la xoojiyay wax-soo-saarka fanka iyo suugaanta, la kordhiyay idaacadaha FM-yada, isla markaana la dardargeliyay dhamaystirka Xeerka iyo Siyaasadda Warbaahinta Qaranka.

 

Kulankan ayaa muujinaya wada-shaqayn iyo isla-xisaabtan joogto ah oo u dhexeeya hay’adaha fulinta iyo golayaasha qaranka, si loo xoojiyo hufnaanta iyo horumarinta warfaafinta dalka.

Loading...
Loading...