Donald Trump oo La Sheegay Inuu La Yaabban Yahay Mowqifka Iran

0
Monday February 23, 2026 - 12:32:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo La Sheegay Inuu La Yaabban Yahay Mowqifka Iran

    Khilaafka Nukliyeerka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Nukliyeerka



Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku wareersan yahay sababta ay Iiraan u diidan tahay inay "isu dhiibto” ama tanaasul ka samayso mowqifkeeda, inkasta oo ay wajahday dhoollatus millatari oo ay Washington ka waddo Bariga Dhexe.

 

Arrintan waxaa shaaca ka qaaday ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka, Steve Witkoff, oo fiidnimadii Sabtida wareysi siiyay Fox News.

 

Witkoff ayaa sheegay in Trump uu "la yaabban yahay” mowqifka adag ee Tehraan, gaar ahaan kadib markii Mareykanku uga digay in la qaadi karo weerar millatari oo xaddidan haddii aan heshiis laga gaadhin barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

 

Khilaafka Nukliyeerka

 

Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub ayaa muddo dheer ka shakisan in Iiraan ay u dhaqaaqayso dhinaca samaynta hub nukliyeer ah. Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay eedeymahaasi, iyadoo ku adkaysanaysa in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed oo loogu talagalay tamarta iyo cilmi-baarista.

 

Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehraan ayaa sii kordhaysa, iyadoo Mareykanku kordhiyay joogitaanka millatari ee Bariga Dhexe, halka Iiraan ay muujinayso inaysan ka tanaasuli doonin xuquuqdeeda ku aaddan tayeynta yuraaniyaamka.

 

Hadalka Witkoff ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal looga gaadho muranka nukliyeerka, inkasta oo hanjabaadaha millatari ay weli miiska saaran yihiin.


Loading...
Loading...