Xabaalaha Bukaan Socodka Dadka Soomaaliyeed ee Xaydar Abaad.

0
Sunday February 22, 2026 - 17:20:27 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabaalaha Bukaan Socodka Dadka Soomaaliyeed ee Xaydar Abaad.

    Xanuun, Rajjo, iyo Caafimaad Raadis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xanuun, Rajjo, iyo Caafimaad Raadis



Xabaalaha Dadka Soomaaliyeed ee ku yaalla Hyder-abad.

Xanuun, Rajjo, iyo Caafimaad Raadis
Muddo sanado ah, magaalada Hyder-abad ee dalka India waxay noqotay meel ay u safraan kumanyaal Soomaali ah oo raadinaya daawo iyo caafimaad.


Qoysas badan ayaa guryahooda iibiyay, deyn qaatay, ama isku tashaday ehel iyo asxaab si ay u gaadhaan cisbitaalada halkaas ku yaala.

Qaar waxay heleen daryeel sax ah oo badbaadiyay noloshooda.

Laakiin qaar badan oo kale, safarkii rajada ahaa wuxuu isu bedelay sheeko murugo leh oo ku dhamaatay xabaalo shisheeye.

1. Bukaan Socodka iyo Dhaqaalaha: Rajada Qaaliga Noqotay:
Marka uu qof Soomaaliyeed xanuun culus la kulmo—kansar, wadne, kelyo, ama qalliimo adag,
erayga ugu horeeya ee soo baxa badanaa waa:
"Hindiya geeya.” Laakiin safarkaas wuxuu wataa culays dhaqaale oo aad u weyn:

Tigidhyo qaali ah,
Degaan muddo dheer ah,
Turjubaan iyo wakiillo lacag qaata,
Baadhitaano iyo qaliimo, qiimahoodu sareeyo,
Qoysas badan ayaa sheegaya in marka ay halkaas gaadhaan, kharashku ka bato wixii loo sheegay.

Dhakhtar ayaa la geliyaa, baadhitaano badan oo mararka qaarkood aan si cad loogu sharxin sababtooda, taasoo sii kordhisa qarashka.

2. Luqadda Mushkiladda isfahan la'aanta:
Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn waa luqadda.

Bukaan badan ma yaqaanaan Ingiriisi ama Hindi.

Qoyska la socda ayaa ku tiirsan turjubaan aan mararka qaarkood xirfad caafimaad lahayn.

Qof xanuunsan oo aan fahmin waxa dhakhtarku sheegayo,
ma fahmi karo khatarta qalliinka, fursadaha daawada,
ama sida loogu sharxayo qorshaha daaweynta.

Halkaas ayuu ka bilaabmaa jahawareer, cabsi, iyo kalsooni darro.

3. Eedeymaha ku saabsan Dhakhaatiir iyo Wakiillo:
Warbixino iyo sheekooyin laga duubay baraha bulshada sida YouTube iyo Facebook waxay soo bandhigeen cabashooyin la xidhiidha:

Wakiilo Soomaalida u shaqeeya oo qaata komishan ka badan inta bukaanka laga qaado,
Dhakhaatiir ama xarumo lagu eedeeyo inay ku degdegaan qalliimo,
Baadhitaano la sameeyo iyada oo aan si qoto dheer loo qiimayn , baahida bukaanka
Waxaa muhiim ah in la ogaado:

India waxay leedahay cisbitaalo sumcad sare leh iyo dhakhaatiir xirfad leh;
balse sidoo kale sida dal kasta, waxaa jiri kara nidaamyo ganacsi oo mararka qaarkood danta dhaqaale ka hormariya bukaanka.

4. Baadhitaan La’aan iyo Daawooyin Tayadooda laga Shakiyo:
Qaar ka mid ah qoysaska Soomaaliyeed waxay sheegeen in:

In dad Buka la geliyay qaliimo aan loo diyaarin si buuxda,
Daawooyin la siiyay oo aan si cad loo hubin tayadooda ama ku haboonaantooda,
Warbixinnada caafimaad lagu wareejiyay iyada oo aan si fiican loo turjumin,
Arimahani waxay abuureen shaki iyo dareen ah in bukaanku mararka qaarkood noqdo "macmiil” customer, halkii uu ka ahaan lahaa qof u baahan naxariis iyo daryeel.

5. Xabaalaha Shisheeye: Qalbiga Taabanaya:
Sheekada ugu murugada badan waa marka safarkii rajada ahaa ku dhammaado meyd la aasayo dhul shisheeye.

Qoysas ayaa ku qasbanaaday inay meydkooda ku aasaan halkaas sababo dhaqaale ama sharci awgood.

Hooyo ilmihii ay rajada ku geysay Hindiya ayaa ku soo noqota sawir iyo shahaado dhimasho.

Aabbe deyn ku galay daaweyn ayaa ku hadhay murugo iyo su’aalo aan jawaab lahayn.

Mid ka mid ah hadalada laga soo duubay baraha bulshada ayaa ahaa:

"Waxaan u tagnay caafimaad, laakiin waxaan la soo noqonnay xabaal.”

6. Maxaan Ka Baran Karnaa?
Daraasad cilmiyeed oo qoto dheer oo ku saabsan arintan waxay u baahan tahay:

In la ururiyo xog rasmi ah oo ku saabsan tirada bukaanada Soomaaliyeed ee u safra Hyder-abad,
In la qiimeeyo heerka guusha iyo fashilka, daaweynta
In la baadho doorka wakiillada iyo turjubaanada,
In la sameeyo hannaan wacyigelin iyo hagid rasmi ah oo ay dawladdu ama ururo madax-bannaan sameeyaan.


Gunaanad:

Rajada iyo Mas’uuliyadda
Qoraalkan ma aha mid lagu cambaareynayo dal ama ummad, balse waa qaylo-dhaan ku wajahan wacyigelin.

Dadkeena xanuunsan ma aha inay noqdaan kuwo jaahwareer iyo ganacsi ku dhex luma.

Waxay mudan yihiin:

Macluumaad sax ah in ay helaan,
Turjubaan xirfad leh,
Hubin sharci iyo caafimaad oo cad
Iyo taageero bulsho iyo dawladnimo,
Xabaal kasta oo Soomaali ku taal dhul shisheeye waa xusuus murugo leh,
balse sidoo kale waa cashar.

Cashar ku saabsan in rajadu u baahan tahay aqoon, oo in uu safarku u baahan yahay hagid iyo in naxariistu ay ka sareyso ganacsi kasta.

Talo soo jeedin:
Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa,
In ay dhakhtar caalamiya oo dhakhaatiir caalamiyi joogan dalka laga sameeyo oo badbaadiya dadkooda



Qalinkii:Cali Biixi
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...