Raysal Wasaare Khayre Oo Dardaarano Faray Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

0
Saturday August 03, 2019 - 20:20:58 in News by
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Khayre Oo Dardaarano Faray Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

    Raysal Wasaare Khayre Oo Dardaarano Faray Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaare Khayre Oo Dardaarano Faray Ciidamo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.


Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta si buuxda ula wareegay amaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.


Garoonka ayaa waxaa horey ugu sugnaa ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo ka amar qaata Sheekh Shaakir, waxaana ciidankii garoonkaasi ku sugnaa sanado maanta laga qaaday garoonka iyo hareerihiisa.

Image result for khayre


Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo maanta soo gabo gabeeyay safarkii uu ku joogay magaalada Dhuusomareeb ayaa kormeeray garoonka iyo goobaha kale ee la wareegeen ciidamada Danab.


Xasan Cali Kheyre ayaa saraakiisha iyo ciidamada la wareegay amaanka garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan amaanka garoonka sidoo kale ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato abuuri kara.


Ciidamada ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shalay si buuxda loogu wareejiyay amaanka magaalada Dhuusomareeb inta uu socdo dhismaha maamul loo dhan yahay oo Galmudug yeelato.

Loading...
Loading...