Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo Shacabka Hargeysa Kala Qayb-galay Salaadda Roob-Doonta

0
Sunday February 22, 2026 - 16:30:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo Shacabka Hargeysa Kala Qayb-galay Salaadda Roob-Doonta

    Baaq ku Aaddan Toobad iyo Is-Cafis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq ku Aaddan Toobad iyo Is-Cafis



Hargeysa – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta shacabka kula tukaday Salaadda Roob-Doonta oo lagu qabtay Garoonka Weyn ee Kubadda Cagta ee Hargeysa.

 

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa wehelinayay Wasiirro, Agaasimayaal Guud iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo si wadajir ah uga qayb qaatay tukashada iyo baryada Alle SWT.

 

Baaq ku Aaddan Toobad iyo Is-Cafis

 

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa shacabka ugu baaqay inay is cafiyaan, toobad keenaan, isla markaana Alle baryaan si uu uga dul qaado abaarta daran ee dalka ka jirta.

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo isna hadal jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Eebbe loo noqdo, gaar ahaan xilliyada adag sida abaarta, isaga oo bulshada ku boorriyay toobad, samir, midnimo iyo isku duubni.

 

Xukuumadda oo Ballanqaadday Gurmad Joogto ah

 

Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa xusay in xukuumad ahaan ay si joogto ah uga shaqeynayaan gurmadka abaaraha, isla markaana ay ka go’an tahay in la gaadhsiiyo bulshada ay dhibaatadu saamaysay biyo iyo baadba.

 

Waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan isu gurmashada iyo midnimada, maadaama abaartu ay wada taabanayso bulshada oo dhan, isaga oo Alle ka baryay in uu raxmaddiisa ku gallado ummadda, isla markaana ku mannaysto roob khayr qaba oo wada gaadha dalka iyo dadkaba.


Loading...
Loading...