Salaadda Roob-doonta oo Maanta Laga Oogay Magaalada Berbera

0
Sunday February 22, 2026 - 16:25:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaadda Roob-doonta oo Maanta Laga Oogay Magaalada Berbera

    Shacabka ayaa si gaar ah Alle uga baryay in uu ka dul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka ayaa si gaar ah Alle uga baryay in uu ka dul



Berbera – Salaadda Roob-doonta ayaa maanta si weyn looga oogay magaalada Berbera, halkaasi oo ay isugu soo baxeen qaybaha kala duwan ee bulshada, carruur iyo cirooleba.

 

Bulshada magaalada Berbera ayaa si midnimo leh uga qayb qaatay tukashada salaadda, xilli ay deegaanada Somaliland ka jirto abaar xooggan oo saameysay dadka iyo duunyadaba.

 

Masaajidda iyo goobaha fagaareyaasha ah ee lagu tukado salaadaha ciidaha ayaa lagu arkayay dad tiro badan oo gacmaha u taagaya Eebbe, iyaga oo baryaya in uu soo dejiyo roob khayr leh oo wada gaadha dhammaan gobollada ay abaartu ku dhufatay.

 

Shacabka ayaa si gaar ah Alle uga baryay in uu ka dul qaado dhibaatada abaarta, u naxariisto dadka tabaalaysan, isla markaana uu dalkooda ku mannaysto roobab barwaaqo ah oo dib u soo nooleeya dhulka engegay.

 

Salaadda Roob-doonta ayaa ka mid ah cibaadooyinka lagu muujiyo khushuucda iyo baryada Eebbe xilliyada ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah sida abaarta, iyadoo bulshada Muslimiintu si wadajir ah ugu duceeyaan raxmad iyo gargaar Rabbaani ah.


Loading...
Loading...