Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Raalli-gelin Ka Bixiyay Hadal Ka Dhashay Xil-wareejin
Hargeysa – Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood, ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadal muran dhaliyay oo uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland ka jeediyay munaasabad xil-wareejin ah, kaasi oo la xiriiray wariye Axmed Cabdiraxmaan Heello.
Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay inuu si gaar ah uga xun yahay hadalkaasi, isagoo carrabka ku adkeeyay in Axmed Cabdiraxmaan Heello uu yahay shaqsi door muuqda ku leh taariikhda warbaahinta dalka.
"Waxa aan saaxiibkay Heello ka raalligelinayaa hadalkii qadafka ahaa ee ka soo yeedhay Wasiir Khadar. Heello waa nin dalka u soo halgamay, waana mid ka mid ah aasaasayaasha warbaahinta xukuumiga ah iyo kuwa madaxbannaanba ee dalka. Ma aha nin la odhan karo xil-wareejin ayaa lagu darayaa,” ayuu yidhi.
Maareeyihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirka Madaxtooyada in uu isna raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas, isaga oo ku tilmaamay mid dhaawacaya sharafta shaqsi qaran door ku leh warbaahinta iyo halgankii dalka.
Waxa uu xusay in isaga iyo Heello ay ka dhexeeyaan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo gaar ah, isla markaana wakaaladdu si joogto ah ula shaqayso warbaahinta kala duwan ee dalka.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo ka timid bulshada iyo bahda warbaahinta, iyadoo qaar ay ku baaqeen in la dhowro karaamada shaqsiyaadka qaranka iyo doorka ay ku leeyihiin taariikhda dalka.


0 





