Tibor P. Nagy: "Somaliland Waa Dheeman Ka Dhex Iftiimaysa Geeska Afrika"
Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee United States ee Afrika, Tibor P. Nagy, ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay "dheeman ka dhex bidhaamaysa” gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu ku tilmaamay dalka ugu dimuqraadiyadda horumarsan gobolka.
Sooyaal Dawladeed iyo Dimuqraadiyad
Nagy ayaa xusay in Somaliland leedahay sooyaal dawladnimo oo soo jireen ah, kaas oo bilaabmay ka hor midowgii 1960-kii ee ay la gashay Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland uu yahay mid ka duwan xaaladda ka jirta inta badan dalalka gobolka.
Suurtagalnimada Aqoonsiga Maraykanka
Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada in Maraykanku aqoonsado Somaliland, Tibor Nagy wuxuu sheegay in Washington ay wax ka beddeshay aragtidii ay hore uga qabtay arrinta Somaliland, isla markaana taageero badan ay hadda ka jirto gudaha Mareykanka, gaar ahaan marka la eego niyad-jabka laga muujinayo xaaladda ka jirta Soomaaliya.
"La yaab ma noqon doonto haddii Maraykanku mar dhow aqoonsado Somaliland, sababta oo ah USA way ka niyad jabtay Soomaaliya,” ayuu yidhi Nagy.
Isbeddelada Gobolka
Hadalka Tibor Nagy ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar muujinaya in Maraykanku aanu cambaareyn aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland, isagoo sheegay in Tel Aviv ay xaq u leedahay cidda ay aqoonsanayso ama ay la samaynayso xidhiidh diblomaasiyadeed.
Xogo kala duwan ayaa tilmaamaya in isbeddelada juqraafi-siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas ay sare u qaadeen xiisaha quwadaha waaweyn ee ku aaddan Somaliland, gaar ahaan marka la eego xasilloonideeda, juqraafiyadeeda istiraatiijiga ah iyo nidaamkeeda siyaasadeed.


0 





