Tahriibeyaal Ku Geeriyooday Xeebaha Liibiya iyo Giriigga

0
Sunday February 22, 2026 - 16:19:48 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibeyaal Ku Geeriyooday Xeebaha Liibiya iyo Giriigga

    Dhanka kale, dowladda Greece ayaa iyaduna xaqiijisay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka kale, dowladda Greece ayaa iyaduna xaqiijisay ...



Tripoli / Athens – Dowladda Libya ayaa shaacisay in la helay maydadka shan qof oo tahriibeyaal ah kuwaas oo ku dhintay xeebaha dalkaasi, xilli ay isku dayayeen inay u gudbaan qaaradda Yurub.

 

Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa sheegay in meydadka laga helay meelo kala duwan oo xeebta ku yaalla, kadib markii doonyihii ay saarnaayeen ay la kulmeen dhibaatooyin badeed.

 

Dhanka kale, dowladda Greece ayaa iyaduna xaqiijisay in saddex qof oo tahriibeyaal ah laga soo saaray xeebaha dalkaasi iyagoo geeriyooday, xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan badda una soo galaan gudaha Giriigga.

 

Ilaa hadda lama xaqiijin dalalka ay ka soo jeedaan dadkaasi, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ay ka tageen dalal ku yaalla qaaradda Afrika.

 

Xeebaha Waqooyiga Afrika iyo Badda Mediterranean-ka ayaa weli ah marin halis badan oo ay isticmaalaan tahriibeyaasha doonaya inay gaaraan Yurub, iyadoo sanad kasta ay ku geeriyoodaan boqolaal qof oo ku safra doonyo yar yar oo aan badbaado lahayn. Hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqda aadanaha ayaa marar badan ku baaqay in la helo xal waara oo wax looga qabanayo tahriibka iyo khataraha la xidhiidha.


Loading...
Loading...