Agence France-Presse: Somaliland oo Sheegtay Inay Diyaar u Tahay Iskaashi Istiraatiiji ah oo ay la Yeelato United States
Hargeysa – Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay
la gasho Mareykanka iskaashi dano is-dhaafsi ah, oo ay ku jiraan arrimo la
xiriira saldhig militari iyo maalgashiga macdanta qaaliga ah.
Wasiirka oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Agence
France-Presse (AFP), ayaa tilmaamay in labada dhinac ay waxyaabo badan ku
heshiin karaan haddii ay wada-hadallo rasmi ah yeeshaan.
Saldhig Milatari iyo Maalgashi Macdan
"Waxa aanu doonaynaa in aanu Maraykanka si gaar ah fursad
ugu siino macdanaha qaaliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo aanu diyaar u nahay in
aanu Maraykanka saldhig millatari siino, iyadoo aanu rumaysanahay in aanu wax
ku heshiin karno dawladda Maraykanka,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya in Somaliland ay raadineyso
iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ah, gaar ahaan
marka la eego muhiimadda juqraafiyeed ee ay ku taallo iyo khayraadka dabiiciga
ah ee ay sheegto inay leedahay.
Iskaashi Suurtagal ah
Wasiirku waxa uu xusay in haddii wadahadallo rasmi ah la
bilaabo, ay suuragal tahay in la gaadho heshiisyo faa’iido u leh labada dhinac,
isagoo muujiyay in Somaliland ay u aragto Mareykanka saaxiib istiraatiiji ah oo
suurtagal ah.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda
Mareykanka oo ka hadlaya soo jeedintan. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii
xoogeysanayaan loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.


0 





