Wasiirka Madaxtooyada JSL: "Hargeysa 14% Kaliya Ayaa Biyo Hela"
Hargeysa – Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in boqolkiiba 14% oo keliya dadka ku nool caasimadda Hargeysa ay helaan adeeg biyo oo joogto ah, taas oo uu ku tilmaamay tiro aad u hooseysa marka loo eego koboca xawliga ah ee magaalada.
Wasiirku waxa uu xusay in Hargeysa ay si degdeg ah u ballaadhanayso, dadkeeduna sii kordhayo, taas oo ka dhigaysa in baahida biyaha ay noqoto mid degdeg xal u baahan.
"Hargeysa in biyaha la wada gaadhsiiyo ayay u baahan tahay. Hadda sida warbixinuhu sheegeen 14% ayaa Hargeysa biyo hela. Hargeysa waa magaalo waynaanaysa oo dadkeedu badanayaan, inay biyo heshaana xal bay u baahan tahay,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in arrintani ay tahay masuuliyad iyo hawl muhiim ah oo u taalla Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, si loo helo qorshe cad oo lagu ballaadhiyo adeegga biyaha, loona daboolo baahida bulshada.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacayso doodda ku saabsan sidii loo xoojin lahaa kaabeyaasha biyaha ee caasimadda, maadaama koboca magaalooyinku u baahan yahay qorshe maalgashi iyo maamul hufan.


0 





