The New York Times: Sawirro Dayax-gacmeed Muujinaya Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka Socda Saldhigga Muwaffaq Salti Air Base

0
Saturday February 21, 2026 - 11:57:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    The New York Times: Sawirro Dayax-gacmeed Muujinaya Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka Socda Saldhigga Muwaffaq Salti Air Base

    Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in shantii maalmood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in shantii maalmood

May be an image of text that says 'Some of the F-35 stealth fighters in Jordan on Friday. Airbus Some apparent fighter jets are partially obscured by shelters on Friday. Airbus'



Wargeyska caalamiga ah ee The New York Times ayaa soo bandhigay sawirro dayax-gacmeed oo muujinaya isbeddel weyn oo ka dhacay saldhigga ciidanka cirka ee Muwaffaq Salti, oo ku yaalla bartamaha dalka Jordan.

 

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in saldhiggan uu isu beddelay mid si ballaadhan loogu kordhiyay awoodda hawlgallada militari, kaddib markii saddex jibbaar la kordhiyay tirada diyaaradaha dagaalka ee halkaasi la geeyay. Sawirrada la daabacay ayaa muujinaya ku dhowaad 60 diyaaradood oo dagaal, oo ay ku jiraan nooca casriga ah ee F-35, kuwaas oo la dhigay saldhigga.

 

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in shantii maalmood ee u dambeysay ay saldhigga gaareen ilaa 68 diyaaradood oo xamuul militari ah, taasoo muujinaysa dhaqdhaqaaq saadka iyo qalab ururin ballaadhan.

 

Inkasta oo si rasmi ah aan loo shaacin qorshaha hawlgallada, haddana warbixintu waxay tilmaamaysaa in dhaqdhaqaaqan uu la xidhiidho xiisadda sii kordheysa ee gobolka, gaar ahaan suurtagalnimada weerar lagu qaado dalka Iran.

 

Ilaa hadda, dowladaha ku lugta leh arrintan kama aysan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya ujeedada dhabta ah ee kordhinta awoodda militari ee saldhiggan, hase yeeshee warbixintu waxay sare u qaadday walaaca ku saabsan xaaladda amni ee Bariga Dhexe.

Loading...
Loading...