SalamAir oo Duulimaadyo Toos ah ka Bilaabaysa Muqdisho
Shirkadda duulimaadyada qiimaha jaban ee ay leedahay dawladda Oman, SalamAir, ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Muscat iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Duulimaadyadan ayaa bilaaban doona 3-da Sebtembar 2026, iyagoo socon doona laba jeer toddobaadkii (Axad iyo Khamiis). Qiimaha tigidhada u dhexeeya Muqdisho iyo Muscat ayaa ka bilaabanaya $208, taas oo lagu tilmaamay tallaabo lagu xoojinayo isku xirka labada dal.
Fursad Ganacsi iyo Socdaal
Duulimaadka cusub ayaa la sheegay inuu fursad weyn siin doono ganacsatada isaga kala goosha Khaliijka iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale qurba-joogta Soomaaliyeed ee raadinaya duulimaadyo jaban oo toos ah.
Soomaaliya waxay noqonaysaa waddankii afraad ee Afrika ah oo ay gaarto SalamAir. Shirkaddu waxay hore uga hawlgashaa in ka badan 40 meelood oo ku kala yaalla Aasiya, Afrika iyo Yurub.
Koboca Dhaqaale
Maamulaha guud ee SalamAir, Adrian Hamilton-Manns, ayaa sheegay in duulimaadkan cusub uu ka tarjumayo koboca dhaqaale ee ka socda Soomaaliya.
"Soomaaliya sannadihii u dambeeyay waxay sameynaysay koboc iyo horumar dhaqaale oo muuqda. Duulimaadyadeenna tooska ah waxay sii xoojin doonaan dhaqaalaha, waxayna abuuri doonaan fursado cusub oo ganacsi iyo safar,” ayuu yidhi.
Duulimaadyadan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaadaan isku socodka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka.


0 





