Uganda Airlines Oo Shaacisay Duulimaadyo Ay Ka Bilaabayso Muqdisho.
Shirkada Diyaaradaha ee dalka Ugandha ayaa shaacisay duulimaadyo ay ka bilaabayso caasimada Somaliya ee Muqdisho.
Waxaanay shirkada Uganda Airlines duulimaadyada ugu horeeya ku tagidoontaa Nairobi, Jubba, Muqdisho iyo Dar Es Salaam.
Shirkadda ayaa u dejisay in bishan aynu ku jiro ee Ogosto 28, 2019ka, waqtiga ay duulimaadyada billaabanayaan, maalmo kadib markay shahaadada hawadooda ka heleen hay'adda Duulista Rayidka ee Ugandha seddex bilood oo tijaabo ah kadib. Waxaanu tigidhka Muqdisho qiimihiisu noqon doonaa tagid iyo soo laabasho $590.
Uganda Airlines ayaa iibsatay labo diyaaradood oo cusub ,qorshaha oo lagu sheegay billowga dib usoo nooleynta diyaaradda qaranka ee dalka Uganda, balse waxay muddo sugayeen in loo fasaxo shahaadada hawadooda si ay u billaabaan duulimaadyada ganacsiga.
Hadda waxaa la xaqiijiyay in diyaaradda ay u duuli doonto Nairobi iyo Jubba laba jeer maalin kasta iyo Muqdisho, saddex jeer maalintii. Diyaaradda ayaa sidoo kale la filayaa inay u duulaan Dar es Salam iyo Kilimanjaro hal mar maalintii, Bujumbura iyo Mombasa saddex jeer usbuucii.


0 





