Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo Kormeer iyo Barnaamij Caafimaad Ka Daahfurtay Bohol
Bohol, Sool – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay degmada Bohol ee gobolka Sool Region, si ay u kormeeraan xarumaha caafimaad ee deegaannada fogfog, isla markaana u qiimeeyaan baahiyaha iyo tayada adeegyada la bixiyo.
Dalacsiinta Cisbitaalka Bohol
Waftiga oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac iyo agaasime-waaxeedyada kale, ayaa booqday Cisbitaalka Bohol oo la dalacsiiyay. Wasiirka ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray qaybta Hooyada iyo Dhallaanka, taas oo hadda u shaqaynaysa sida cisbitaal dhamaystiran.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadaysa heerka adeegyada caafimaad ee degmada iyo deegaannada ku xeeran.
Daahfurka Barnaamij Caafimaad
Sidoo kale, Wasiirka iyo waftigiisu waxay daahfureen barnaamij caafimaad oo ay iska kaashadeen Wasaaradda, UNFPA, iyo King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief).
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya bixinta adeegyo caafimaad oo dhameystiran, gaar ahaan:
Caafimaadka hooyada
Caafimaadka dhallaanka
Adeegyada caafimaadka taranka
Barnaamijku wuxuu socon doonaa muddo shan cisho ah, iyadoo adeegyada ay bixinayaan dhakhaatiir khibrad leh oo ka hawlgalaya daaweynta xanuunnada iyo xaaladaha caafimaad ee gobolka.
Safarkan shaqo ayaa muujinaya dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan gaadhsiinta adeegyada caafimaad meelaha fog iyo xoojinta tayada daryeelka caafimaad ee bulshada.


0 





