Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ku Dhawaaqday Salaad Roob-doon Qaran

0
Thursday February 19, 2026 - 14:37:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ku Dhawaaqday Salaad Roob-doon Qaran

    Baaq ku Socda Maamullada iyo Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq ku Socda Maamullada iyo Shacabka



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Sheekh Cabdilaahi Baashe, ayaa ku dhawaaqay in maalinta Axadda ee toddobaadka soo socda, oo ku beegan 22-ka Febraayo, guud ahaan dalka laga oogi doono Salaad Roob-doon ah, xilli Somaliland ay wajahaysi xaalad abaareed oo saameysay dad iyo duunyaba.

 

Goobaha Lagu Tukanayo Hargeysa

 

Wasiirku waxa uu sheegay in caasimadda Hargeysa Salaadda Roob-doonta lagu tukan doono afar masaajid oo kala ah:

 

Masjid Jaamaca

 

Masjidka Tabliiqa

 

Masjidka Ibraahim Dheere

 

Masjidka Cali Mataan

 

Sidoo kale, salaadda waxaa lagu tukan doonaa goobaha lagu ooggo salaadaha Ciidda ee ku yaalla degmooyinka Hargeysa.

 

Baaq ku Socda Maamullada iyo Shacabka

 

Sheekh Cabdilaahi Baashe ayaa faray guddoomiyayaasha gobollada, madaxda dowladaha hoose iyo isuduwayaasha wasaaradda inay ka qaataan doorkooda abaabulka iyo hirgelinta salaadda roob-doonta.

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay saddexda maalmood ee ka horreeya maalinta la asteeyey ku bixiyaan towbad, istighfaar iyo dambi-dhaaf waydiisasho Alle, si loo baryo roob iyo raxmad.

 

Xaaladda Abaarta

 

Ku dhawaaqista salaadda roob-doonta ayaa imanaysa xilli dalka uu ku jiro xaalad abaareed oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolahaba, iyadoo wasaaraddu ku boorrisay bulshada inay isu diyaariyaan salaadda iyo ducada si wadajir ah.


Loading...
Loading...