Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maareeyaha Cusub oo Shaaciyay Qorshihiisa Horumarineed

0
Thursday February 19, 2026 - 14:36:04 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maareeyaha Cusub oo Shaaciyay Qorshihiisa Horumarineed

    "Magacaabistu Waa Tijaabo, Maaha Hadiyad"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magacaabistu Waa Tijaabo, Maaha Hadiyad"



Hargeysa – Maareeyaha cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Cabdillaahi Beershiya, ayaa markii ugu horreysay faahfaahiyay himiladiisa iyo qorshayaashiisa ku aaddan horumarinta adeegga biyaha caasimadda, isagoo wareysi siiyay Muuqbaahiyaha Saab.

 

"Magacaabistu Waa Tijaabo, Maaha Hadiyad”

 

Maareeyaha cusub ayaa sheegay in xilka loo magacaabay uu yahay masuuliyad culus iyo imtixaan maamul, balse uu diyaar u yahay inuu si buuxda u guto waajibaadka saaran.

 

"Magacaabistaydu hadiyad maaha ee waa tijaabo iyo imtixaan. Fursad ayaa la ii siiyey inaan hoggaamiyo xarun dawladdeed, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu asturo,” ayuu yidhi.

 

Wuxuu u mahadnaqay Madaxweynaha JSL ee xilka u magacaabay, isaga oo ballanqaaday inuu awooddiisa oo dhan u hurayo sidii bulshada Hargeysa u heli lahayd adeeg biyo oo tayo leh.

 

Qiimeyn iyo Qorshe Cusub

 

Cabdillaahi Beershiya ayaa xusay in marka uu si rasmi ah ula wareego shaqada uu sameyn doono qiimeyn dhamaystiran oo ku saabsan xaaladda biyaha magaalada, kadibna uu ku dabaqi doono siyaasadaha xukuumadda si loo hubiyo in biyaha si siman loo gaadhsiiyo bulshada.

 

Wuxuu tilmaamay in Hargeysa ay tahay magaalada ugu weyn Somaliland, oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.5 milyan qof, isla markaana si joogto ah u sii fideysa, taas oo kordhinaysa baahida loo qabo adeeg biyo oo waara.

 

Gaadhsiinta Adeegga Meelaha Aan Weli Gaadhin

 

Maareeyaha cusub ayaa sheegay in qaybo ka mid ah magaalada ay biyuhu hore u gaadheen, halka qaar kalena aanay weli helin adeeg ku filan. Wuxuu xusay in qorshuhu yahay in marka qiimeynta la sameeyo la dejiyo tallaabooyin cad oo lagu gaadhsiinayo biyaha meelahaas.

 

"Bulshada caasimadda waxaan leeyahay samirka badiya, ducadiinnana nala garab istaaga. Waxaan ka shaqeyn doonaa in fursadaha ugu badan looga faa’iideeyo sidii bulshadu biyo ugu heli lahayd si joogto ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Ballanqaad Hufnaan iyo Mas’uuliyad

 

Ugu dambayn, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa ballanqaaday in maamulka wakaaladdu uu ku shaqeyn doono hufnaan, isla xisaabtan iyo wada-shaqeyn la leh xukuumadda iyo shaqaalaha wakaaladda, isaga oo caddeeyay inuu Alle hortiis iyo bulshada hortoodaba ka masuul yahay xilka loo igmaday.

 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay caasimaddu wajahaysay caqabado la xidhiidha kororka baahida biyaha iyo fiditaanka magaalada, iyadoo maamulka cusub laga sugayo qorshe wax ku ool ah oo lagu xalliyo arrimahaas.


Loading...
Loading...