Guddiga Nabadda Qaranka Somaliland Guddoomiyihiisa oo Ka Hadlay Xidhiidhada Dibadeed iyo Amniga

0
Thursday February 19, 2026 - 14:34:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Nabadda Qaranka Somaliland Guddoomiyihiisa oo Ka Hadlay Xidhiidhada Dibadeed iyo Amniga

    Baaq ku Saabsan Midnimo iyo Difaac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq ku Saabsan Midnimo iyo Difaac



Hargeysa – Guddoomiyaha Guddiga Nabadda Qaranka ahna La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay in Somaliland ay ku hawlan tahay raadinta dalal ay dano wada leeyihiin, maadaama ay ku taallo goob juqraafi ahaan istaraatiiji ah oo muhiim u ah mandaqadda iyo caalamkaba.

 

Mudane Cabdiqaadir Jirde waxa uu tilmaamay in isbeddelka ku yimid nidaamka caalamku uu muujinayo in dalalku maanta ku midoobaan dano wadaag ah, halkii ay ku midoobi lahaayeen fikrado ama diin.

 

"Saaxiibo badan iyo dowlado dano inaga leh ayaynu raadsanaynaa, waana hawl socota oo iman doonta wakhtigeeda. Dunidu maanta fikrado iyo diin iskuma raacdo ee dano ayay iskula midoobaan,” ayuu yidhi.

 

Baaq ku Saabsan Midnimo iyo Difaac

 

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo isu-tanaasul gudaha ah, isaga oo ku dooday in ay jiraan cadaadisyo iyo loollan siyaasadeed oo ka imanaya dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

"Waa in loo midoobo dagaalka inagu socda,” ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo difaaca iyo wadajirka bulshada.

 

Aragti ku Saabsan Xidhiidhada Gobolka

 

Cabdiqaadir Jirde waxa uu xusay in mandaqadda Geeska Afrika ay tahay meel ay quwadaha caalamku danaynayaan, taas oo Somaliland ka dhigi karta fursad istaraatiiji ah haddii si xeel dheer loo maareeyo xidhiidhada dibadeed.

 

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Nabadda Qaranka ayaa imanaya xilli ay Somaliland sii waddo dadaallada ay ku xoojinayso xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalalka gobolka iyo caalamka.


Loading...
Loading...