Guddoomiyaha Gobolka oo Shir Iskugu Yeedhay Isuduwayaasha Laamaha Dawladda

Ceerigaabo – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa maanta shir toddobaadle ah ku qabtay xafiiska maamulka gobolka, kaas oo ay ka qayb galeen isuduwayaasha laamaha kala duwan ee Dawladda JSL ee ka hawlgala gobolka.
Ajendaha Kulanka
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:
Dardargelinta shaqooyinka hay’adaha dawladda
Kor u qaadista isla xisaabtanka masuuliyiinta
Xoojinta hawlaha qaranka ee ka socda gobolka
Guddoomiyuhu waxa uu ku adkeeyay masuuliyiinta in shaqada loo qabto si hufan, isla markaana la joogteeyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda laamaha kala duwan ee dawladda.
Maamul-daadejin iyo Isku-xidhnaan
Ugu dambayn, shirka ayaa si guud loogu heshiiyey in Gobolka Sanaag u baahan yahay maamul-daadejin ka bilaabanta heer qaran ilaa heer degmo, si hawlaha dawladeed u noqdaan kuwo isku xiran, isla jaanqaadaysa, kuna dhisan qorshe mideysan.
Shirkan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka, isla markaana lagu hubinayo in adeegyada dawladdu si hufan u gaadhaan bulshada gobolka.


0 





