Bloomsbury Intelligence and Security Institute: Aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland Waa Isbeddel Istaraatiiji ah oo Saameynaya Geeska Afrika
Hay’adda cilmi-baadhista ee Bloomsbury Intelligence and Security Institute (BISI), oo diiradda saarta amniga, sirdoonka iyo juqraafi-siyaasadda, ayaa sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee ay Israel siisay Somaliland 26-kii Diseembar 2025 uu ka dhigan yahay isbeddel istaraatiiji ah oo ku yimid miisaanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Warbixinta BISI ayaa tilmaamtay in tallaabadaasi ay gobolka ku soo kordhisay jilaa cusub oo firfircoon, isla markaana ay muujisay muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay mandaqadda.
Aqoonsi Leh Miisaan Diblumaasiyadeed
BISI waxay xustay in Israa’iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland. Sida lagu sheegay warbixinta, go’aankaasi waxa uu ka tarjumayaa tixgelin ku saleysan:
Xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee qadiyadda Somaliland
Sharciyadda madaxbannaanida ku dhisan
Mudnaanta istaraatiijiyadeed ee muddada dheer jirtay
Hay’addu waxay ku qeexday aqoonsiga mid leh cawaaqib istaraatiiji, siyaasadeed iyo dhaqaale, kuwaas oo wax ka beddeli kara isu-dheellitirka awoodda ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Fursado Amni iyo Iskaashi Gobolka ah
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in aqoonsigu uu abuuri karo waddo macquul ah oo lagu xoojin karo iskaashiga amniga ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Marinka Bab al-Mandab — marin-biyood istaraatiiji ah oo qiyaastii 12–15% shixnadaha ganacsiga adduunku maraan.
Somaliland, oo leh xeeb dheer oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, ayaa lagu tilmaamay inay si weyn u kordhin karto saamaynteeda siyaasadeed iyo dhaqaale marka la eego muhiimadda marin-biyoodkaas ee ganacsiga caalamiga ah.
Doorka Dekedda Berbera
BISI waxay si gaar ah u xustay Dekedda Berbera, iyadoo ku tilmaantay xarun ganacsi oo sii kobcaysa iyo goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah saadka iyo isku-xidhka ganacsiga gobolka.
Warbixintu waxay sheegtay in kobaca dekedda ay si weyn u taageerayaan maalgashiga United Arab Emirates iyo isku-xidhnaanta kaabeyaasha gaadiidka ee gobolka.
"Dekedda Berbera waxay noqotay xarun ganacsi oo sii kobcaysa iyo goob istaraatiiji ah oo muhiimad ballaadhan u leh saadka adduunka. Aqoonsiga Israa’iil wuxuu kordhin karaa kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga,” ayaa lagu yidhi warbixinta BISI.
Warbixintu waxay ku soo gabagabeysay in qaab-dhismeedka amniga Badda Cas ee dib loo habeeyay iyo ka-qaybgalka Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah ay la filayo inay ballaadhiyaan maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI), taas oo xoojin karta isku-xidhnaanta ganacsiga heer gobol iyo heer caalami.


0 





