Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland oo Guddoomisay Shirkii Saddex-biloodle ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

0
Wednesday February 18, 2026 - 16:18:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 87
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland oo Guddoomisay Shirkii Saddex-biloodle ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

    Dardargelinta Wajiga Saddexaad (SDF3)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dardargelinta Wajiga Saddexaad (SDF3)


May be an image of one or more people and table


Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta guddoomisay shirka saddex-biloodle ee Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF – Joint Steering Committee), kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa.

 

Dardargelinta Wajiga Saddexaad (SDF3)

 

Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardargelinta fulinta mashaariicda wajiga saddexaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF3), si loo hubiyo in barnaamijyada socda ay u hirgalaan si hufan, isla markaana ay gaadhaan natiijooyin la taaban karo.

 

Intii kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray mashaariicda laga maalgelinayo bilowga wajigan cusub, gaar ahaan:

 

Beeraha

 

Xanaanada Xoolaha

 

Biyaha

 

Saameyn Dhaqaale iyo Bulsho

 

Mashaariicdan ayaa lagu tilmaamay kuwo laf-dhabar u noqon kara koboca dhaqaalaha dalka, maadaama ay si toos ah u taageerayaan nolosha bulshada. Waxa la filayaa inay:

 

Xoojiyaan u-adkaysiga cimilada

 

Abuuraan fursado shaqo

 

Kordhiyaan dakhliga muwaadiniinta

 

Yareeyaan saboolnimada

 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay in mashaariicda wajigan ay qayb ka noqdaan dadaallada nabadaynta iyo isku xidhka gobollada bariga dalka, si loo xaqiijiyo in adeegyada horumarineed ay gaadhaan dhammaan bulshada si siman.

 

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

 

SDF waa sanduuq deeq lacageed oo ay bixiyaan saaxiibbada Somaliland, kaas oo taageera Dowladda si ay u fuliso barnaamijyo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III).

 

Wajiga saddexaad (SDF3) waxa uu si gaar ah xoogga u saaraya horumar waara oo ku dhisan adkaysi cimilo, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

Loading...
Loading...