Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadallada Madaxweynaha Turkiga

0
Wednesday February 18, 2026 - 16:15:30 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Jawaab Ka Bixisay Hadallada Madaxweynaha Turkiga

    "Go'aannada Gobolka Waa Kuwo Madaxbannaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Go'aannada Gobolka Waa Kuwo Madaxbannaan"

May be an image of text that says 'Miniatry Statement RELEASE Hargeisa. Republic fSomaliland| Government ofthe Republico Somaliland Regarding Recent Remarks bythe Republic fTürkive Republic Somaliland condemns the remarks the of the Republic unacceptable interference aimed: discouraging relations between Somaliland and regional partners. decisions Africa determined the region's own peoples. External rivalries should not extended region way's risk stability cooperation the Somaliland calls Türkiye refrain taking positions that inflame regional and uphold principle mutua respec non-i rference, n-making. Somaliland utreach regional: partners, andit pursuit 'ecognition, remain peaceful, lawful, and firmly grounded fit End- ค่มสรมพอกสิงงศ iuwwkebok.on.Mioniiei oarand'



Hargeysa – Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag looga jawaabay hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Turkey ee la xidhiidhay madax-bannaanida Somaliland.

 

Wasaaraddu waxay sheegtay in hadalladaasi ay yihiin faragelin aan la aqbali karin, isla markaana ay wiiqayaan xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamka.

 

"Go’aannada Gobolka Waa Kuwo Madaxbannaan”

 

Dawladda Somaliland ayaa adkaysay in go’aannada siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay yihiin kuwo ay si madax-bannaan u gaadhaan dawladaha iyo shucuubta gobolka, iyadoo aan la aqbali karin wax kasta oo saameyn dibadeed oo lagu soo dhex milo.

 

Waxa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in loollan ama is-maandhaaf dibadeed oo lagu soo dhex geliyo gobolka uu khatar gelin karo xasilloonida, wada-shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah.

 

Baaq ku Socda Turkiga

 

Somaliland ayaa ugu baaqday Turkiga inuu ka waantoobo mawqifyo hurin kara xiisado, isla markaana uu ixtiraamo mabaadi’da is-qaddarinta, faragelin-la’aanta iyo xaqa ummad walba u leedahay go’aan-qaadasho madax-bannaan.

 

Mawqifka Aqoonsi Raadinta

 

Gabagabadii, Dawladda Somaliland waxay mar kale ku celisay in mawqifkeeda ku aaddan aqoonsi raadinta iyo xidhiidhada dibadeed uu ku dhisan yahay nabad, sharciyad iyo rabitaanka dimuqraadiyadeed ee shacabkeeda.

Loading...
Loading...