Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ku-xigeenkeeda oo Dhakhaatiirta Ugu Baaqday Inay Joojiyaan Qoraalka Aan La Fahmi Karin
Hargeysa – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka JSL, Dr. Samsam Saalax, ayaa ugu baaqday dhakhaatiirta dalka inay joojiyaan qorista far aan si fudud loo akhrisan karin, isla markaana ay la jaanqaadaan horumarka iyo hab-raacyada caafimaad ee caalamka ka jira.
Dr. Samsam ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in qoraalka warqadaha daawada (prescriptions) uu noqdo mid cad oo la fahmi karo, si bukaanku u akhrisan karo magaca daawada iyo waxa ay tahay.
"Fadlan haddii aad dhakhtar tahay, waxa lagaaga baahan yahay in fartaadu noqoto mid qoraalkeedu saxan yahay. Haddii aad maqli jirteen dhakhtarka cawaadinka ah fartiisa lama fahmo, anaa idiin sheegayee kaasi waa saaqid. Dhakhtarka caalamkuna waa ka qoro farta la wada akhriyi karo,” ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenku.
Badbaadada Bukaanka iyo Tayada Adeegga
Wasiir Ku-xigeenku waxay tilmaantay in qorista far aan la fahmi karin ay keeni karto khaladaad ku yimaadda qaadashada daawada, taas oo halis gelin karta badbaadada bukaanka.
Waxay ku boorrisay dhakhaatiirta Somaliland inay qaataan hababka casriga ah ee qorista, isla markaana ay sare u qaadaan xirfaddooda si ay ula jaanqaadaan horumarka caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Wasaaradda Caafimaadku ku hawlan tahay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee dalka.


0 





