Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Hargeysa Ku Soo Gebogabeeyey Tababarro BRIDGE ah

0
Wednesday February 18, 2026 - 08:05:07 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Hargeysa Ku Soo Gebogabeeyey Tababarro BRIDGE ah

    Toban Maalmood oo Tababar Qoto Dheer ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toban Maalmood oo Tababar Qoto Dheer ah


May be an image of one or more people, table, dais and text


Hargeysa – Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa magaalada Hargeysa ku soo gebogabeeyey tababarro heer sare ah oo ku saabsan barnaamijka BRIDGE (Building Resources in Democracy, Governance and Elections), kuwaas oo si qoto dheer u xoojinaya aqoonta iyo hab-maamulka doorashooyinka.

 

Tababarradan ayaa loo qabtay hawlwadeennada heer-degmo, heer-gobol iyo heer-qaran (agaasimayaasha waaxyaha) ee KDQ, iyada oo diiradda lagu saaray kor u qaadista xirfadaha maamulka iyo fulinta doorashooyinka.

 

Toban Maalmood oo Tababar Qoto Dheer ah

 

Tababarka oo socday muddo toban maalmood ah (10) ayaa si nidaamsan loogu falanqeeyey:

 

Mabaadi’da aasaasiga ah ee doorashooyinka

 

Habraacyada diiwaangelinta codbixiyeyaasha

 

Fulinta doorashooyin hufan oo waafaqsan heerarka caalamiga ah

 

Maamul casri ah oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo daahfurnaan

 

Manhajka la adeegsaday wuxuu ahaa manhajka caalamiga ah ee BRIDGE, kaas oo ku saleysan isku-darka aqoon, xirfad hawl-fulineed iyo ku-dhaqan maamul oo tayo leh.

 

Iskaashi lala Leeyahay NIMD

 

Barnaamijka tababarka waxa si wadajir ah u hirgeliyey KDQ iyo Netherlands Multiparty Institute for Democracy (NIMD), oo si dhow ula shaqaysa Komishanka arrimaha doorashooyinka iyo xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda.

 

Xoojinta Dimuqraadiyadda

 

Tababarradan BRIDGE ayaa la filayaa inay sare u qaadaan tayada iyo hufnaanta hawlaha doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay xoojiyaan awoodda farsamo iyo maamulka ee hawlwadeennada KDQ, si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaam dimuqraadiyadeed oo waara.

Loading...
Loading...