Shir lagu qiimaynayo Waxqabadka iyo Qorshayaasha Ciidanka Qaranka oo la Soo Gunaanaday.
Muddadii uu shirku socday, waxa si qoto dheer looga
Shir maalmihii u dambeeyey ka socday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo diiradda lagu saarayey qiimaynta waxyaabihii u qabsoomay Ciidanka Qaranka sannadkii tegay iyo qorshayaasha hor yaalla sannadkan 2026-ka, ayaa maanta si rasmi ah u soo gaba-gabeeyey Taliyaha Ciidanka Qaranka.
Muddadii uu shirku socday, waxa si qoto dheer looga warbixiyay xaaladda guud ee amniga dalka iyo tan mandaqada, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo feejignaanta iyo wada-shaqaynta hay’addaha amniga Dalka.
Sidoo kale, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa loogu baaqay inay si midnimo leh ula garab istaagaan Ciidamada Qalabka Sida, si loo adkeeyo difaaca qaranka iyo xasilloonida dalka.
Shirkan waxa si gaar ah xoogga loo saaray dib-u-habaynta iyo tayaynta tababarada Ciidanka Qaranka, iyada oo ujeeddadu tahay in la helo askari leh aqoon, xirfad iyo anshax sare, kana jawaabi kara baahida amni ee qaranka, waxaana arrintan awgeed, shirka lagu casuumay dhammaan maamulka iyo macalimiinta dugsiyada tababarada si loo mideeyo manhajka, loona horumariyo tayada tababarka.
Dhanka kale, shirku waxa uu si qoto dheer u falanqeeyay dib-u-eegista iyo casriyaynta shuruucda Ciidanka Qaranka, si loo waafajiyo isbeddelada amni iyo baahiyaha cusub ee dalka.
Ciidanka Qaranku waxa uu u taagan yahay ilaalinta danaha qaranka (National Interest) kuwaas oo ay ugu horreyso ilaalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta in Somaliland hesho ictiraaf buuxa oo caalami ah.
Waxaa marar badan la sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado ay burburi doonto; dooddaasi maanta waa mid beenowday. Somaliland waxay dunida ku soo kordhinaysaa xasillooni, iskaashi iyo horumar waara. Amniga Somaliland waa tiir muhiim u ah amniga guud ee mandaqada Geeska Afrika.
Ciidanka Qaranku waxa uu si cad u muujinayaa in cid kasta oo ku hawlan khalkhalinta amniga Somaliland ay laba jeer ka fiirsato (think twice). Difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadda shacabka waa waajib qaran oo aan laga gorgortami karin. Waxaa sidoo kale muuqata in mararka qaarkood ay jiraan isbahaysiyo dano gaar ah leh oo isku mawqif ka noqda wiiqidda xasilloonida Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waa xaqiiq jirta oo taagan, hanjabaad iyo dacaayad midna waxba kama beddeli karto jiritaankeeda, midnimadeeda iyo go’aankeeda qaran.
Ugu dambayn, waxaa mahadnaq loo jeediyay macalimiintii kaalinta muuqata ka qaatay tababarada ciidanka, iyada oo lagu bogaadiyay dedaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee dhismaha ciidanka.
Loading...
Loading...


0 





