Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Zambia ayaa lagu amray inuu dhiibo 79 baabuur iyo guryo uu xaday.
Maxkamadda Sare ee Zambia ayaa amartay in hanti qiimaheedu ka badan yahay $1.3m (£923,000) laga qaado Dalitso Lungu, oo ah wiilkii madaxweynihii hore Edgar Lungu.
Amarka Maxkamada ayaa ka dalbaya inuu soo celiyo; 79 baabuur iyo 23 dhul iyo hanti ma-guurto ah, oo ay ku jiraan xarun wax laga iibsado, kaalmaha shidaalka, "guryaha raaxada iyo hoyga fulinta” ee caasimadda Lusaka.
Xukunka ayaa lagu sheegay in 39-jirkan iyo shirkaddiisu ay ku guuldareysteen inay bixiyaan sharraxaad la isku halleyn karo oo la xaqiijin karo oo ku saabsan sida hantida loogu helay si sharci ah.
Edgar Lungu, oo hoggaaminayay Zambia lix sano, ayaa ku dhintay Koonfur Afrika bishii Juun ee la soo dhaafay laakiin weli lama aasin sababta oo ah dagaal sharci oo socda oo u dhexeeya qoyskiisa iyo dowladda hadda jirta.
Waxay daba socotaa khilaaf muddo dheer soo jiray oo u dhexeeyay Lungu iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, Hakainde Hichilema, kaas oo kaga adkaaday doorashadii 2021 cod aad u badan.
Dowladda Hichilema waxay rabtaa in meydkiisa dib loogu celiyo dalka oo loo sameeyo aas qaran, iyada oo la maamuusayo dhammaan dadka – maxkamad Koonfur Afrika ah ayaana go’aan ku gaadhay bishii Agoosto.
Laakiin qoysku waxay rabaan in aas gaar ah loogu sameeyo Koonfur Afrika maadaama ay sheegeen in madaxweynihii hore aanu rabin in Hichilema uu ka qayb galo aaskiisa.
Qareennada Dalitso Lungu ayaa tilmaamay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka ay gaadhay Waaxda Dambiyada Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Maxkamadda Sare.
Markii maxkamaddu qiimeyneysay awoodda dhaqaale ee Lungu, waxay baadheysay taariikhdiisa shaqo iyo dakhligiisa.
Caddeymo ayaa muujinaya inuu si kooban uga shaqeeyay shirkad cabitaan oo ku taal Lusaka sannadkii 2012, ka dibna uu ku dhawaad saddex sano ku qaatay Hay’adda Dakhliga Zambia.
Maxkamaddu waxay ku soo gabagabeysay in dakhligiisa aanu ku filnayn, xitaa marka la isku daro, si loo tixgeliyo helitaanka gaadiidka ballaadhan iyo hantida qiimaha sare leh.
Baadhitaanno lagu sameeyay shirkadiisa, Saloid Traders Limited, ayaa lagu ogaaday in warbixinnadeeda maaliyadeed, canshuur celinta, diiwaannada bangiyada iyo tabarucaadka amniga bulshada aanay muujinayn awoodda ay si sharci ah u heli karaan ama u haysan karaan hantida su’aasha laga qabo.
Dacwadaha ah in hantida lagu maalgeliyay beero ganacsi, dakhli ganacsi ama taageero qoys ayaa la diiday, iyada oo maxkamaddu ay sheegtay in aanay jirin dukumentiyo taageeraya.
Dalitso Lungu wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dheeraad ah oo adag si uu u xaqiijiyo sheegashadiisa ah in Mr Edgar Chagwa Lungu, iyo runtii waalidkiis, ay ahaayeen isha lacagaha loo isticmaalay in lagu iibsado hantida la xaday,” ayay garsoorayaashu go’aamiyeen.
Xubno kale oo ka tirsan qoyska Lungu ayaa sidoo kale la baadhay sanadihii ugu dambeeyay iyaga oo lagu eedeeyay inay si khiyaano ah u urursadeen hanti .
Sannadkii 2024, maxkamadda sare waxay xukuntay in marwada koowaad ee hore, Esther Lungu, ay la wareegto 15 guri oo qiimahoodu yahay $3.5m.


0 





