Muhiimada ay leedahay Bitcoin.
Sida caadiga ah qofba meel ayey umaraysaa marka laga hadlayo blockchain ( afargeeska xidhiidhsan) waa halka dunidu usocoto xaqiiqdii.
Bitcoin oo loosoo gabiyo BTC ayaa ah hantida lamidka ah dahabka,ama la odhan karo kaba wanagsan dahabka sababtoo ah dahabka marwalba waxa lahelaa buuro horleh oo dahab ah lakiin Bitcoin waxa jira oo kaliya 21 Million oo xabo.
kubaradu waxay shegaan in 3 Million in lagu qiyaaso ay lumeen waxa dunida saaran imika yihiin 18 Million, markaan leyahay lumeen waxaan kahadlayaa dadkii laha ayaa qardhinteen iyagoo forayaashii ciwanadooda (Passwort) aanay cidkale garanaynin ama kombiyuutaradii ay kujireen ayaa qaabab kala duwan ulumay.
Hadaba aan silawada fahmi karo aan usoo koobo muhiimada ay nooleedahay inaanu iibsano Bitcoin.
1 Korriin qiime oo waqti dheer ah
Bitcoin waxa uu leeyahay sahay xadidan (21 milyan oo kaliya). Marka baahidu kororto sannadaha soo socda, sahayda xaddidan waxay keeni kartaa in qiimuhu kordho waqti dheer.
2 Ka hortagga sicir-bararka (inflation hedge)
Dad badan ayaa u arka Bitcoin inuu yahay "dahab dijitaal ah” sababtoo ah
Lama daabici karo sida lacagaha caadiga ah
Xaddidnaantiisu waxay ka ilaalin kartaa qiimo dhaca lacagta
3 Faa’iidada is-ururinta (compounding growth)
Qofka si joogto ah u iibsada (tusaale ahaan habka DCA – dollar-cost averaging) wuxuu yareeyaa khatarta isbeddelka qiimaha, wuxuuna ka faa’iidaysan karaa kororka mustaqbalka.
5 Yaraynta walwalka isbeddelka qiimaha
Qiimaha Bitcoin waa mid si weyn isu beddela waqti gaaban. Istaraatiijiyadda wakhtiga dheer waxay kaa caawinaysaa:
Inaad iska indhatirto kor-u-kac iyo hoos-u-dhac maalinle ah
Inaad diiradda saarto aragtida 5–10 sano
5 Qaadashada horumarka tiknoolajiyada
Tiknoolajiyadda blockchain-ka iyo aqbalaadda shirkadaha iyo dawladaha ayaa sii kordhaysa, taas oo taageeri karta qiimaha mustaqbalka.
Guntii iyo gabo gabadii reer Somaliland waxay kahadheen xiligii warshadaha calamku waxa uu galay mudo 30 sano laga joogo wakhtiga Tiknoolajiyada ( Technologie) yeynaan kahabsaamin hadabaa oo aanay qayrkeen ina dhaafin.
Maqaalkani hadii uu noqdo mid kucajab galiya waan soobadan doona mowduucyadan mid lamid ah.
Wabilahi towfiiq
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





